4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2015
Wariyeyaashii Universal Tv oo weli xiran iyo ururro Saxaafadeed oo cambaareeyay

Sabti, Oktoobar 03, 2015 (HOL) —Waxaa weli xabsiga ku jira agaasimihii Tv-ga Universal ee Bariga Afrika C/laahi Xirsi Kulmiye iyo weliba Wariye Cawil Daahir Salaad, kuwaasoo ay xabsiga dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

Wariyeyaashan ayaa waxa looga yeeray xarunta nabadsugidda ee magaalada Muqdisho, halkaasoo markii ay tageen kadib xabsiga la dhigay.

Madaxa wararka telefishinka Universal Max’ed Xaaji Axmed (Cagamadhige) ayaa sheegay in xariga wariyeyaashan ka danbeeyay barnaamij DOODWADAAG ah oo ka baxay Tv-ga, kaasoo ay ku doodayeen laba xildhibaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo weeraray siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya.



Ururka suxufiyiinta qaranka Somaaliya ee NUSOJ iyo ururka suxufiyiinta Jubbaland ee JIJA ayaa si kulul u cambaareeyay xariga loo geystay wariyeyaasha ka howlgala telefishinka Universal ee ay xabsiga dhigeen ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay xoriyadooda usoo celiso wariyeyaasha la xiray.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa ku shaqeeysa marxalad adag, ayadoo ay ugaarsi ku hayaan dhinacyo badan oo isku haya siyaasadda Soomaaliya ayaa waxa usii dheer in ay adagtahay in ay wararka xaqiiqda ah kasoo tabiyaan goobaha ay ka howlgalaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.