4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 2 , 2015
Iska-horimaad ka dhacay duleedka deegaanka Goobweyn ee gobolka J/hoose
Jimco, Oktoobar 02, 2015 (HOL) — Iska-horimaadkan ayaa waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Goobweyn ee gobolka J/hoose, iyadoo uu ka dhashay kadib markii dhexda loo galay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland oo kusoo wajahnaa magaalada Kismaayo.

Ciidamada jidgooyada dhigay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada ku sugan deegaanka Sabca-sharaaf ee daacadda u ahaa COL Barre Hiiraale, ayadoo arintaasi uu warbaahinta u xaqiijiyay sarkaal lagu magacaabo C/rashiid Macalim Gaas uu arintaasi ka sheegay qaar kamid ah idaacadaha ku yaal magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac ee ay dirirtu dhexmartay, haseyeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu kor u dhaafeeyso ilaa 4-askari.

Ciidamada maamulka Jubbaland ee kuwa AMISOM ayaa saldhig weyn ku leh deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo, waxaana aalaaba dhacda in jidgooyo loo dhigo ciidamada isaga kala goosha Kismaayo iyo Buulogaduud, maadaama uu u dhexeeyo dhul ballaaran oo howd ah.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.