4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 2 , 2015
SAWIRRO: Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Shirkad Ganacsi Heshiis kula Saxiixday Qaahira


Jimco, Oktoobar 02, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax oo howlo shaqo u jooga magaalada Qaahir ee dalka Masar ayaa hishiis halkaa kula saxiixday shirkad ganacsi oo lagu wado inay mashaariic kala duwan ka fuliso gobolka Hiiraan.

Shirkada oo lagu magacaabo EgyptSom, ayaa lagu waddaa in ay xiriir ganacsi la yeellato Soomaaliya, waxaana uu hishiiskan u gogol xaarayaa in labada dal Soomaaliya iyo Masar uu dhaxmaro ganacsi wadaag, sidda in dalka Masar loo dhoofiyo, Khudaarta iyo Kaluulka, halka dhinaca dowladda Masar u soo dhoofin doonto Soomaaliya, Raashinka, Dawada iyo waliba Qalabka dhismaha.

Hase yeeshee, markaad dhinaca kale eegto hishiiska dhaxmaray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo Shirkada Ganacsi ee Masar wuxuu Quseeynayaa Hormarinta Xoolaha gobolka, kaddib markii bishii Agosto ee ina dhaaftay safar ku tageen Beledweyne xubno ka socda Shirkadda oou kuur-galayay mashaariicda Waqtigan baahida loo qabo oo ay tahay in ay shirkadu ka fuliso gobolka.

“Wax badan ayaan ka Filaynaa Heshiiska aan la galnay Shirkadda EgyptSom, waxaa ugu muhiimsan inuu dib u soo nooleynayo xiriirkii walaalnimo iyo iskaashi ee Soomaaliya iyo Masar ka dhexeeyay, gaar ahaan gobolka Hiiraan oo aan fileynayo in ay ka fulin doonaan mashaariic dhowr ah'' ayuu yiri' Cabdifitaax Xassan Afrax.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo maalmihii aynu soo dhaafnayba ku sugnaa dalka Masar, ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas'uuliyiin Masaari ah iyo xubno ka tirsan Jaamacada Carabta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya