4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 2 , 2015
Diyaaradii ugu Horreysay oo Rakaab ah oo Cago-dhigatay Garoonka Buulo-burte (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 02, 2015 (HOL) — Diyaaraddii ugu Horreysay oo wada Rakaab rayid ah ayaa Khasmiistii shalay Caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, Maalmo markii ay ciidamada AMSIOM ay ku Dhawaaqeen in Degmadu ay ka baxday go’doomintii ay ku haysay Al-shabaab.

Shacabka Degmada ku nool ayaa isugu soo baxay garoonka si ay u daawadaan diyaaraddii ugu Horreysay oo caga-dhigata Garoonka Degmadooda, taasoo sidday tiro shacab ah oo ka dhoofay Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Degmada Buulo-burte ayaa waxaa loogu magac-daray [Hiil-Walaal International Airport] GAROONKA CAALAMIGA AH EE HIIL-WALAAL iyadoo lagu sharfay magacan Ciidamada ka socda Dalka Jabuuti ee Qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOM.

Diyaaradan oo ka duushay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa markii ay ka dagtay garoonka diyaaradaha Magaalada Buulo-burte waxaa ka dagay rakaab rayid ah, iyadoo shacabka ku nool Degmadaas ay u arkeen in tani ay tahay markii ugu Horreysay oo ay arkaan Diyaarad ka dagaysa garoonka degmadooda muddo sannado ah.

Sidoo kale, Diyaaradda ayaa Waxay sidday Alaabooyin baakadeysan, kuwaasoo noqonaya kuwii ugu horreeyay oo duulimaad lagu geeyo Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan; iyadoo shacabku ay si aad ugu farxeen.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga saaray Magaalada Buulo-burte oo ah midda labaad ee ugu weyn Degmooyinka Gobolka Hiiraan waxay ku hayeen go’doomin, iyadoo aysan jirin gargaar iyo gaadiid ganacsi sida oo muddadaas galay Degmadaas.

Inkastoo, Al-shabaab laga Qabsaday Magaalooyin iyo Deegaanno Dhowr ah oo ku yaalla Soomaaliya ayaa Haddana Waxay weli ku sugan yihiin Meelaha Miyiga ah ee aadka ugu dhow magaalooyinkii laga Qabsaday, halkaasoo ay Weerarradooda kasoo Abaabulaan.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Howlgalka AMISOM ayaa sheegay in Ciidamadooda ay isku-Diyaarinayaan inay furaan Waddooyinka Xira ee isku xira Degmooyinka Gobolka Hiiraan iyo Deegaannada u dhexeeya Buulo-burte iyo Baladweyne, kuwaasoo ay maamusho Al-shabaab.

Si kasta oo ay tahay, Ciidanka AMISOM ayaa waxay howlgallo is-daba-joog ah ka wadeen deegaanada ay Al-shabaab ku sugan tahay ee ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Somalia; si ay uga saaraan Xoogagga Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya