4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 2 , 2015
NIGERIA: Shan Gabdhood oo Weerarro Qaraxyo ah ka Fuliyay Maiduguri oo ah Xarunta G/Borno


Jimco, Oktoobar 02, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof oo ay ku jiraan koox Gabadho ah oo is-qarxiyay ayaa ku dhintay, 39-ruux oo kalena way Dhaawacmeen, kaddib Qaraxyo ka dhacay Magaalada Maiduguri ee dalka Nigeira, sida laga soo xigtay Saraakiisha Amaanka dalkaas.

Gabdhahan Weerarka Qaraxyada ah geystay ayaa la sheegay inay ahaayeen shan gabdhood iyagoo Weerareen Masjid ku yaalla Magaaladaas iyo Guriga Hoggaamiye Dhaqameedka Maiduguri, iyadoo la sheegay in gabadhahan yar-yar loo maleynayo inay soo Adeegsadeen Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalkaas.

Sidoo kale, 100-qof ayaa ku dhintay qaraxyo noocan oo kale ah oo ka dhacay Magaaladaas laba toddobaad ka hor, kuwaasoo mas’uuliyadooda ay sheegatay kooxda Boko Haram oo dagaal kula jirta Dowladda Nigeria.

Magaalada Maiduguri oo ku Taalla Waqooyi-bari Nirigeria ayaa ahayd xarun ay awood ku leedahay kooxda Boko Haram lixdii sano ee ugu horreysay markii ay dalkaas ka billaabeen weerarrada is-daba-joogga ah.

Tan iyo markii xilka loo dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Nigeria, Muhammadu Buhari bishii May ee Sanadkan ayaa la sheegay in Boko Haram ay 17,000 ruux ay dishay weerarro kala duwan oo ay dalkaas ka geysatay.

Wariye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay in Weerarkan ay geysteen Gabadhahan uu dhacay xilli ay Dadka Magaaladaas isku diyaarinayeen fiidnimadii xalay inay Tukadaan Salaaddii Maqrib.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Nigeria ayaa Warbaahinta u sheegay in laga yaabo inay sare u kacdo khasaaraha ka dhashay Qaraxyada ay sare u kici karto, Ilo wareedyo kale ayaa iyana sheegay in Gabadhaha Qaraxyadan Is-miidaaminta ah geystay ay ku jireen kuwo da'doodu ay ahayd sagaal sano jir.

Wariyeyaal ku sugan Nigeria ayaa iyagana sheegay in Gabdhahaan Qaraxyada ka  geystay Maiduguri oo ah xarunta Gobolka Borno ee dalka Nigiera ay soo galeen Magaalada iyagoo u socday sidii hablo aroos galbinaya.

Bishii Juun ee Sanadkan ayaa Saldhigyo  Millateriga dalkaas ay ku lahaayeen magaaladaas laga raray, iyadoo Buhari uu sheegay inuu Qaab ka duwan sidii hore ula Dagaallami doono Kooxda Boko Haram.

Dhanka kale, Bartamihii Sannadkan ayay Saraakiisha Ciidamada Nigeria Waxay Sheegeen inay xoog uga soo furteen Boko Haram qaar ka mid ah gabadho ay sannadkii lasoo dhaafay Afduubeen; ayna kooxda ka saareen deegaanno badan.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa imaanaya Xilli Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari uu Wacad ku maray markii Xilka loo dhaarinayay inuu soo Af-jarayo Kooxda Boko Haram oo tan iyo sannadkii 2009-kii ka waday dalkaas Weerarro iyo qaraxyo khasaare naf iyo maalba leh geystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya