4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 2 , 2015
RW SHARMA’ARKE: Beesha Caalamku Waa inay naga Caawiso Dib-u-dhiska Mustaqbalka Somalia


Jimco, Oktoobar 02, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay ka Sheegay in Somalia ay u baahan tahay in gacan laga siiyo dib u dhiska Mustaqbalka dalka.

Sharma’arke ayaa xusay in Somalia ay horumarro badan gaartay sanadihii lasoo dhaafay ayna u baahan tahay in howlaha dhiman oo aad u fara badan ee xilligan horyaalla, isagoo sheegay in guulaha la gaaray ay u baahan yihiin la adkeeyo.

“Waxaan doonayaa inaan idiin sheego arrimo ku saabsan Somalia,“ ayuu shirka ka yiri Sharma’arke. Isagoo intaas ku daray. “Waaxa laga yaabaa inay Somalia ka duwan tahay wixii aad ka mashaqeen. Halkaan ma doonayo inaan idin kaga sharraxo wixii ay Somalia soo martay khilaafyadii ka dhashay 25-kii sano ee la soo dhaafay. Si kasta oo ay tahay, fadlan ii ogolaada inaan wax idiin soo ban-dhigo xaqiiqo kale.”

RW Cumar ayaa mar kale yiri. “Dadkeygu waa kuwo hami leh. Hadda waan ka baxnay dhibaatadii waxaanan haysannaa fursad. Waxaanan doonaynaa inaan ka qaybqaadanno horumarka dhaqaale ee Bariga Afrika ka socda. Waxaan xilligaan haysanna shidaal iyo gaas fara badan.”

Sidoo kale, Sharma’arke ayaa shirka ka sheegay in xukuumaddiisu ay waddo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor ah. Inkastoo buu yiri ay jiraan xaalado khatar ah.

Dhanka kale, RW Somalia ayaa ka hadlay Qoxootiga Soomaaliyeed iyo Barakacayaasha Gudaha Somalia ku barakacay, isgaoo ku boorriyay QM inay gacan ka geystaan sidii xal loogu heli lahaa Qoxootiga iyo Barakacayaasha.

RW Somalia ayaa sidoo kale xusay in Somalia aysan ka jirin kaabayaal bulsho oo ku filan shacabka. Isagoo hadalkiisa ku daray in dalal badan oo caalamka ka mid ah ay ka jiraan kaabayaasha bulshada oo dhameystiran. Laakiinse ay Somalia ka jirin gabi ahaan, balse ay wadaan sidii ay ku hirgelin lahaayeen xilliga soo socda.

Wuxuu kaloo RW Sharma’arke sheegay in Somalia ay hadda ka socdaan howlo badan oo dib u dhiseed, sida Isbitaallada, Iskuullada, Waddooyinka Garoomada, Dekedaha iyo Suuqyo, isagoo xusay inay qayb ka tahay Himilooyinka Hormarka Dunida ee ay Qaramada Midoobay ku dhawaaqday.

Sharma’arke ayaa intaas ku daray in qorshayaashaas horumarineed uu dalkiisu la wadaagi doono Hay’adaha Caalamiga ah ee Dunida. Sidoo kalena ay socdaan qorshayaal ay ka mid yihiin isla-xisaabtan hufan oo dhanka maal-gashiga ah, isagoo sheegay in waddan walba oo dunida ah uu maal-gashan karo Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay in Somalia ay haatan ku tallaabsatay horumaro ay dib ugu soo kabanayso, iyadoo ay jiraan dhibaatooyin ay haddana dadaal ugu jiraan sidii ay ugu gudbi lahaayeen caqabado ay ka mid yihiin Al-shabaab oo uu xusay in deegaanno badan laga bixiyay, ayna jiraan dalal badan oo Soomaaliya la mid ah, balse ay ku adag tahay inay maraan waddada dhibka badan ee aan ku soconno si aan dib ugu soo kabanno.

“Somalia dhibaatooyin badan ayay lasoo kulantay, balse ma doonayno xilligaan in aan dib ugu laabanno dhibaatooyinkaas. Waxaanse idiin sheegayaa in innaga oo keliya aanan howshaas qaban karin, balse aan la kaashanayno dunida inteeda kale, dunidana waxaan ka sugaynaa caawinaad,” ayuu khudbadiisa ku xiray RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya