4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 2 , 2015
Dowladda South Sudan oo sheegtay in Ciidamada Uganda ay billaabeen inay ka baxaan Dalkeeda


Jimco, Oktoobar 02, 2015 (HOL) — Xukuumadda Suudaanta Koonfureed ayaa sheegtay in Ciidamadii Uganda ee ku Sugnaa Dalkeeda ay billaabeen inay dib ugu laabtaan Dalkoodii, xilli ay weli dalkaas ka socdaan colaado sokeeye.

Ciidamada dalka Uganda ayaa galay Koonfurta Suudaan bishii December 2013-kii si gacan u siiyaan xukuumadda dalkaas, kaddib markii ay isku dhaceen Salva Kiir iyo Riek Machar.

Afhayeenka Madaxweynaha Dalka South Sudan, Ateny Awek Ateny ayaa Daily Monitor oo kasoo baxa Kampala, Uganda u sheegay in Ciidamadii Uganda ee ku Sugnaa Dalkaas Isniintii billaabeen inay ka baxaan Koonfurta Suudaan.

“Waxay billaabeen Ciidamada Uganda inay ka baxaan South Sudan Isniintii lasoo dhaafay. Askariga ugu dambeeya ee Uganda waxaa la filayaa inuu ka baxo Koonfurta Suudaan 10-ka bishan Oktoobar,” ayuu yiri Ateny Awek.

Balse, Afhayeenka Millateriga dalka Uganda, Col. Paddy Ankunda oo Saxaafaddu ay wax ka weydiisay arrintan, ayaa xusay inaysan jirin wax soo gaaray oo ku saabsan in ciidamada Uganda ay kasoo baxayaan dalka South Sudan.

“Innagu ma hayno warbixin ku saabsan in ciidamada dalka Uganda ay billaabeen inay ka soo baxaan Koonfurta Suudaan. Balse waan soo dhaweynayaa haddii ay jirto in ciidamadu ay kasoo baxayaan Uganda,” ayuu yiri Col. Paddy Ankunda.

Sidoo kale, Afhayeenka la hadlay dowaldda South Sudan ayaa sheegay inay xitaa ciidanka Uganda kasoo baxayaan xarunta Gobolka Jonglei ee Bor, halkaas oo ah goobta ay iska-horimaadyo badan kula galeen Xoogagga Taabacsan Riek Machar.

“Ciidamada dalka Uganda Waxaa bedeli doona Lix Guuto oo Ciidammo ah oo ka kala imaan doona dalalka Kenya, Rwanda iyo Itoobiya; kuwaasoo ku imaanaya Koonfurta Suudaan howlgal hoos-imaanaya urur-goboleedka IGAD,” ayuu mar kale yiri Afhayeenka Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Ateny Awek.

Ugu dambeyn, Taallaabada ay ciidanka Uganda uga baxayaan South Sudan ayaa ayaa kusoo beegmaysa iyadoo bishii hore ay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas Riek Machar ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska ay kala saxiixdeen dhinacyada isku haya Dalka Sotuh ayaa dhigaya in 45-maalmood gudahood ay Ciidamada Ajnabiga ah ay ka baxayaan dalkaas; haddii heshiiska loo meel-mariyo sida uu yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya