4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
Kumannaan Askari oo loo Diyaariyay Xaqiijinta Amniga Doorashooyinka Baarlamaanka Masar


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Iyadoo lagu wado in Axadda iyo Isniinta soo socoda ay dalka Masar ka dhaci doonaan wajigii 1-aad ee doorashooyinka baarlamaanka dalkaas, ayaa waxaa loo xil-saaray sugidda amniga goobaha doorashooyinka in ka badan 180,000 askari oo booliis ah sida ay u sheegeen warbaahinta Masar ilo dhanka ammaanka ah.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan ay la wareegi doonaan goobaha codadka laga dhiibanayo Sabtida berri ah oo ah maalin ka hor inta aan goobaha doorashooyinka la furin. Si loo hubiyo inaan goobahaas lagu aasin waxyabaaha qarxa.

“Goobaha cod bixinta oo ku yaalla 14 gobol ayaa waxaa amnigooda sugid doona 185,000 oo askari, si ay u sugaan ammaanka shacabka codadkooda dhiibnaya,” ayaa laga soo xigtay saraakiil ka tirsan xukuumadda C/fataax Al-Sisi.

Sidoo kale, dadka Masaarida ah ee dibadaha ku nool, ayaa waxay iyagana lagu wadaa in maanta iyo berri ay codadkooda ka dhiibtaan safaaradaha iyo qunsuliyadaha ay Masar ku leedahay caalamka dacalladiisa.

Codbixinta qaybta hore ee doorashooyinka xildhibaannada baarlamaanka dalka Masar ayaa Maalinta Axadda ah la furi doonaa, waxaana shacabka dalkaas ay ka codeyn doonaan 14-gobol oo ka mid ah 28-gobol ee waddanka Masar uu ka kooban tahay, iyadoo 13-gobol ee harayna laga codeyn doono bisha November ee nagu soo foolka leh.

Jimcaha maanta ah ayaa waxaa ka billowday Masar ololaha aamusnaanta doorashooyinka, taasoo socon doonta illaa maalinta Isniinta ah, iyadoo murashaxiinta u tartamaha kuraasta baarlamaanka Masar looga digay inay soo bandhigaan barnaamijyadooda doorashada inta lagu jiro xilliga aamusnaanta doorashadu socoto.

Baarlamaanka iyo aqalka wakiillada Masar ayaa waxay ka kooban yihiin 596 xildhibaan, iyadoo 448 xildhibaan oo ka mid ah lasoo doortaa, halka 120 xubin ay ka imaan doonaan xisbiyada, 28-ka xubin ee harayna waxay ku imaanayaan magacaabidda madaxweynaha.

Masar ayaan baarlamaan lahayn tan iyo markii la kala diray xubnihii baarlamaanka dalkaas bishii Juun ee sannadkii 2012-kii, kuwaasoo lasoo doortay dhammaadkii 2011-kii. Iyadoo awoodda sharci-dajinta dalkaas uu haatan haysto madaxweyne C/fataax Al-Sisi.

Dhanka kale, wararka laga helayo Masar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah magaalooyinka ay ka dhici doonto doorashada ayaa waxaa maanta ka billowday rabshado looga soo hor-jeedo doorashooyinka baarlamaaniga ah ee la filayo inay toddobaadka soo socda si rasmi ah uga billowdaan dalkaas.

Ugu dambeyn, marka la soo doorto xildhibaannada baarlamaanka dalka Masar, ayaa waxay u codeyn doonaan dhammaan shuruucdii ay soo saareen madaxweynaha xilka haya Al-Sisi iyo madaxdii ka horreysay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya