4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
Amni-darada iyo Taageero la’aanta oo la sheegay inay caqabad ku yihiin howlaha QM ee Somalia


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Amaan-darrada iyo taageerada oo yar waxay caqabad weyn ku yihiin howlaha QM Midoobay ee Somalia, sidaa waxaa Golaha Amaanka ee QM u sheegay madaxa xafiiska taageerada ay Qaramada Midoobay siiso ciidamada AMISOM, Atul Khare.

Dalka Somalia ayaa waxaa muddo labaatan sano ka badan ka taagnaa xaalado ammaan-darro ah iyo jahwareer siyaasadeed oo billowday markii xukuumaddii hore ee Somalia la riday sannadkii 1991-kii.

Sidoo kale, Atul Khare ayaa warbixintiisa ku xusay in weerarrada is-daba-joogga ah ee ka dhacaya Soomaaliya iyo xaaladaha bani’aadamnimo waxay sii xumeynayaan inay wax ka qabato QM xaaladaha ba’an ee Somalia ka taagan.

“Hawl-wadeenada xafiiska QM ee cidamada AMSIOM [UNSOA] waxay si joogto ah ula kulmaan hanjabaadyo, iyadoo 10-kii toddobaad oo kastana mar ayay weerar la kulmaan,” ayuu yiri madaxa UNSOA, Atul Khare.

Wuxuu Khare hadalkiisa ku daray in kaloo sheegay in taageero la’aanta Beesha Calaamka ay xaalka dhanka bani’aadamnimada ee Soomaaliya uu kasii darayo.

“Xafiiska UNSOA wuxuu ku guuleysatay inuu howlo badan qabto intii Soomaaliya uu ka howlgalayay, waxaanan goobo badan oo muhiim ah gaarsiinnay adeegyo; sida beeraleyda oo lagu taageeray qalab, qalabka sugidda amniga iyo qalabka dhismaha,” ayuu hadalkiisa ku daray Atul Khare.

Ugu dambeyn, xafiiska UNSOA ayaa la dhisay sannadkii 2009-kii, waxaana xafiis loogu talo-galay inuu taageero ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ka howl-gala AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya