4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
Haweeney laga soo afduubtay Dhadhaab oo la badbaadiyay


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) —Haweeneydan oo lagu magacaabo Judy Mukowme Mutua ahaydna macalimad wax ka barta xerooyinka Dhadhaab islamarkaana ay bilowgii bishan kooxo hubeeysan soo afduubteen  ayaa maanta dib loo soo furtay kadib howlgallo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Howlgalkan oo ka dhacay soohdinta ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa yimid kadib markii kooxihii soo afduubtay haweeneyda ay iska horimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland, waxaana intaa kadib labada ciidan dhexmartay israsaaseyn xooggan.

Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) —
Taliyaha ciidamada ammaanka Dhoobleey Col Heeybe Axmed C/laahi oo u waramay HOL ayaa sheegay in haweeneydani ay baadigoob ugu jireen mudo dheer, saaka aroortiina ay ka warheleen in laga soo gudbiyay soohdinta ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

“Xuduuda marka ay kasoo gudbeen ayaan ka warhelnay kadib ciiidan kamid ah ciidamada Jubbaland ayay u suurogashay in ay iska horyimaadaan, kadib waxaa dhex martay israsaaseyn xooggan, intaa kadib ayaan ciidankii xoojinnay, afarta jihana ciidan ayaan ka dhignay si ayan u baxsan,” ayuu yiri taliyuhu

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay u suurogashay in ay gacanta ku dhigaan gabadhii lasoo afduubtay iyada oo badqabta, halka uu sheegay in ay dileen mid kamid ah afartii qof ee soo afduubatay gabadha, isagoo sheegay in ay baxsadeen sedexdii kale.

Warbixin kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga dalka Kenya ayaa lagu sheegay in haweeneydani lagu guuleystay in la badbaadiyo kadib howlgallo cirka iyo dhulka ah oo ay iska kaashanayeen ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida.

Judy oo ah haweeney macalimad ah ayaa maalinimadii Isniinta ee ay taariikhdu ku beegnayd 12-ka October ee sanadkan waxaa laga afduubtay inta u dhexeeysa xerada xagardheere iyo Dhadhaab, waxaana la sheegay in kooxihii afduubtay ay kaxeysteen haweeneydan iyo gaadiidkii ay wadatay, waxaana la sheegay in gaadiidka ay uga tageen soohdinta Kenya iyo Soomaaliya, halka ay kaxeysteen haweeneyda.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.