4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
Safaaradda Somalia ee Baqdaad oo dib loo furay kaddib muddo 25-sano ah (SAWIRRO+VIDOE)


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Waxaa dib loo furay safaaraddii Somalia ay ku lahayd waddanka Ciraaq, kaddib muddo 25-sano ah, iyadoo furitaanka safaaradda ay kasoo Qayb-galeen mas’uuliyiin ka socday xukuumadda dalka Ciraaq.

Safaaradda ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo xubno ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee Ciraaq.

“Waxay ii tahay farxad inaan xarigga ka jaro safaarad Soomaaliyeed oo meel deggen oo meel rasmi ah ku taalla oo gurigeeda deggen tan iyo sannadkii 1993-kii. Waxaanan uga mahad-celinaynaa howshan oo dhan safiiradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Khadiijo oo halkan joogtay howshanna ay iyada kooxdeedu ka shaqeeyeen,” ayuu wasiirka arrimaha dibadda Somalia C/salaan Hadliye ku yiri hadal uu siiyay warbaahinta.

Mar uu wasiir hadliye ka hadlayay muhiimadda dalka Ciraaq uu u leeyahay Somalia ayuu sheegay in waddankan uu yahay dal muslim ah oo Carab ah, isla markaana uu xiriir aad u wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya.

Xafladdii furitaanka safaaradda Somalia ee magaalada Baqdaad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dublamaasiyiinta dalalka Carabta ee ku sugan waddanka Ciraaq, kuwaasoo qaarkood hadallo ka jeediyay munaasabadda.

DAAWO: Xafladdii Furitaanka Safaaradda Soomaaliya ee Baqdaad - Dalka Ciraaq;

“Waxay ku faraxsan-nahay in wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya uu maanta nagu casuumo kasoo qaybgalka xafladda furitaanka safaaradda Somalia ee dalka Ciraaq, runtiina waan soo dhaweynaynaa, safaaradda Soomaaliyana wax badan uma jirto dhismaha safaaradda Suudaan ee Baqdaad,” ayuu yiri danjiraha Suudaan u jooga Ciraaq, Maxamed Cumar Muuse.

Munaasabadda furitaanka safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, safiirka Somalia ee dalka Kuwait, C/qaadir Amiin Sheekh, guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Somalia, xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, wasiirka bartoolka, Maxamed Mukhtaar iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Danjiraha Soomaaliya ee Ciraaq, marwo Khadiija Al-Makhsuumi oo iyadana ka hadashay aragtideeda ku aaddan furitaanka safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in dib loo furo safaaraddii Soomaaliya ay ku lahayd Ciraaq.

“Somalia iyo Ciraaq waa laba dal oo xiriir siyaasadeed iyo mid ijtimaami lahaa muddo fog, waxaanan u arkaa Ciraaq inay muhiimad gaar ah u leedahay dalka Somalia, maadaama uu ka dhexeeyay xiriir taariikhi ah. waxaana rajeynaynaa inay wax nagala qaban doonaan arrimo ay ka mid yihiin dhanka waxbarashada,” ayay tiri safiiradda Soomaaliya ee Ciraaq, Khadiijo Al-Makhsuumi.

Ugu dambeyn, danjire Khadiijo Al-Makhsuumi ayaa sheegtay inay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay u furan tahay safaarada Somalia ee magaalada Baqdaad ayna howl walba oo ay uga baahdaan u fududeyn doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq oo ka mid ah meelaha ugu ammaanka xun adduunka ayaa haddana waxaa safaraadda Soomaaliya ee Ciraaq laga furay goob ammaan ah oo ay aad u ilaaliyaan ciidan ka tirsan kuwa Ciraaq.

Ibraahim Cumar Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Baqdaad, Caasimadda Ciraaq