4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
Wafdi ka socda Boooliska AMISOM oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Wafdigan oo ay hogaamineeysay ku xigeenka taliyaha ciidamada booliska AMISOM Ms. Christine Alalo ayaa shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyagoo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Ms. Christine Alalo ayaa hoolka shirarka garoonka Kismaayo kulan kula qaadatay wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Jubbaland, mudane Max'ed Warsame Faarax (Darwiish) iyo saraakiisha amniga Jubbaland.

Kulankan oo qaatay saacado, ayaa waxa looga hadlayay sidii loo tayeyn lahaa ciidamada booliska Jubbaand iyo weliba kaalinta AMISOM iyo beesha caalamka ay ka qaadan karto dhismaha ciidamada booliska Jubbaland.

Kulanka markii uu soo idlaaday ayay madaxdani booqdeen xarun cuusb oo lagu tababari dooono booliska oo laga hirgeliyay duleedka garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku xareeysanyihiin ciidamo qeyb ka noqon doona booliska Jubbaland.

Ku xigeenka taliyaha booliska AMISOM ayaa kormeertay dhammaan qeybaha ay ka koobantahay xarunta, iyadoo warbixinno ku aadan baahida ka jirta halkaasi ka dhageysatay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubbaland.

Wasiirka oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay soo idlaatay booqasha ayaa sheegay in madaxda AMISOM ay kala hadleen sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen dhismaha booliska Jubbaland, isagoo sheegay in ay isla garteen in mudo laba isbuuc gudahood ah lagu bilaabo tababarka ciidanka.

Ms. Christine Alalo ayaa dhankeeeda sheegtay in ay aad usoo dhaweeynayaan dadaallada dib loogu dhisayo ciidamada booliska ee ay wadaan madaxda Jubbaland, iyadoo sheegtay in ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan dhismaha booliska islamarkaana ay si deg deg ah ugu soo dhameystiri doonaan dhammaan waxyaalaha ay u baahanyihiin ciidamada uu tababarka u furmi doono.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.