4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
DUQA MUQDISHO: Wasiirka Amniga Qaranka Waxaan la Tiigsanaynaa Sharciga (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed [Muun-gaab] ayaa si wadajir ah maanta shir jaraa’id ugu qabtay afaafka hore xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho, halkaasoo ay ka socotay burburinta laamiga isku-xira garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isagoyska KM-4.

Duqa Muqdisho oo goobta ku horreeyay ayaa joojiyay burburintii laamiga ee ka socotay halkaas, balse markii uu ka tagay ayaa dibloo billaabay, laakiinse waxaa kusoo laabtay halkaas duqa Muqdisho iyo Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo mar kale joojiyay burburintii lagu hayay laamiga.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Muungaab oo warbaahinta kula hadlay goobta ayaa si caro leh u sheegay in hay’addu ay maamulkiisa weydiisatay ogolaasho, balse ay u diideen, kaddibna ay warqad kala yimaadeen wasaaradda amniga Qaranka Somalia.

"Wasiirka amnigu xaq uma lahan inuu bixiyo fasax waddo lagu xiranayo ama la fasaxayo, waana sharci-darro. Wuxuu maanta sameeyay damiirkeenu ma ogola. In waddooyinkii ay noo dhiseen walaalaha dalka Turkiga maanta gar-weyn lala dhaco; waana khiyaano Qaran. Wasiirka Amnigana waxaan la tiigsanaynaa sharciga,” ayuu hadalkiisa ku yiri Muun-gaab.

Sidoo kale, duqa magaalada Muqdisho oo hadalka sii wata ayaa sheegay in sida uu qabo sharciga waddooyinka uu duqa Muqdisho furi karo waddo xiran ama xiri karo.

Dhanka kale, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr.Axmed Cali Daahir oo ayaa isna sidaas si la mid ah uga hadlay arrintan, sheegayna in ciddii markaan uu ka soo baxay iyo ciddii burburinta fulisay ay yihiin dambiilayaal baabi’iyay hantida Qaranka, sharciga ayaana la horgeyn doono.

Ugu dambeyn, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa hadalkiisa kusoo xiray in sharciyada la xiriira waddo la xirayo iyo mid la furayo uu go’aankeeda iska leeyahay duqa magaalada. Wixii maanta ka dambeeyana aan la ogolaan doonin in wado xiran, kuwa xirana si dhaqso ah loo furo.

Si kastaba ha ahaatee, hadalladan ayaa imaanaya iyadoo waddooyin badan oo midda tagta garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka mid tahay u xiran yihiin hay’adaha caalamiga ah ee deggen dhisamayaasha ku yaalla hareeraha waddooyinkaas, iyadoo gaadidika qaarkoodna loo diido inay maraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya