4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
Xukuumada Kenya oo Maanta sheegtay inay weli Ardayda Keenyanka ahi ku biirayaan Al-shabaab


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa maanta sheegtay ardayda Keenyaanka ah ee wax-ka-barta iskullada iyo jaamacadaha Kenya ay weli ku biirayaan Al-shabaab.

Taliyaha millateriga dalka Kenya, Jen. Samson Mwathethe ayaa ka digay korarka ardayda Keenyaanka ah ee ka mid noqonaya Al-shaabab, isagoo xusay in tani ay sababi karto inay u horseeddo Kenya cawaaqib-xumo dhanka ammaanka ah.

“Waxaa mid walba oo naga mid ah, gaar ahaan waaliddiinta waxaa loo baahan yahay inay door wanaagsan ka ciyaaraan sidii arrintan looga hortegi lahaa, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan macalimiinta iskuulada Kenya si caruurta aynu uga fogeeyno xag-jirnimada iyo in la askareeyo,” ayuu yiri Mwathethe.

Sidoo kale, Mwathethe ayaa xusay in Al-shabaab ay si sahlan u ugaarsan karaan ardayda, iyagoo ka faa’iideysanaya aaladaha bulshada ay kuwada xiriirto, si ay uga dhigtaan askar u dagaalama.

Jen. Mwathethe ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay in la joogteeyo dagaalka dhanka ka ah argagaxisada, lagana hortago wax walba oo ay ardayda kusoo jiidanayaan kooxaha xagjiriinta ah.

Taliyuhu wuxuu caddeeyay in caruurta wax ka barta iskuullada Kenya ay helaan warqado Al-shabaab, kuwaasoo uu xusay inay uga dhaadhicinayso kooxdu fikirka xagjirnimada ah ee ay rumeysan yihiin. Taasoo uu xusay in hadafkeedu yahay in la bedelo maskaxdooda.

Ugu dambeyn, Jen. Mwathethe ayaa hadalkan jeediyay iyadoo Kenya looga baroor-diiqayo askartii Kenya uga geeriyootay dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaabta ee Somalia. Maadaama ciidamada Kenya ay ka mid yihiin muddo sannado ah howlgalka AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya