4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
Shirkii golaha wasiirada ee Maanta oo lagu Meel-mariyay Siyaasadda Dawada iyo Caafimaadka


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shirkoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir-guddoominayay RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid, waxaana looga dooday, qaab-siyaasadeedka caafimaadka iyo dawada iyo soo-jeedinta wadahadalladii xalinta qodobbadii ku xusnaa mooshinkii madaxweynaha laga keenay.

Wasiiradda caafimaadka Somalia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigtay sharaxaad dheerna ka bixisay qorshaha qaab-siyaasadeedka caafimaadka iyo dawada, waxayna xustay in ujeeddada qorshahani yahay in la illaaliyo, lana horumariyo caafimaadka qofka iyo kan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wasiirada ayaa xustay in siyaasadda dawadu ay tahay in la sameeyo, lana hour-mariyo adeegga qaybta daawooyinka, iyadoo la isticmaalayo awoodda dhaqaale iyo midda shaqaale ee la haysto, si loo haqabtiro baahida dadweynaha Soomaaliyeed ee ka hortagga, baarista iyo daweynta cudurrada.

Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa cod gacan-taag ahaa ku ansixiyay siyaasadda caafimaadka iyo dawada. Iyadoo sharcigan loo gudbin doono baarlamaanka Somalia si ay iyaguna cod ugu qaadaan.

Dhanka kale, golaha wasiiradu waxay ka hadleen qodobadii laga soo saaray wadahadalladii xallinta mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha DFS, iyagoo soo dhaweeyay go’aankii laga gaaray mooshinkaas.

Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa faray xubnaha golaha wasiirrada inay si dhaqso leh ugu hawl-galaan, fuliyaanna waajibka wasaarad kasta kaga aaddan fulinta qodobbadii ka soo baxay wadahadalkii xalinta mooshinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya