4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu Horkacayo oo Maanta safar ku tagay Magaalada Baydhabo


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, isagoo kulammo la qaatay madaxda maamulka iyo waxgaradka.

Socdaalka madaxweynaha Somalia ayaa la xiriira dardar-gelinta dhameystirka dhismaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, oo weli ay ka taagan tahay caqabad soo xulista xildhibaannada baarlamanka maamulkaas.

Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan, isagoo sidoo kale khudbad u jeediyey shacab isugu yimid hoolka shirarka Baydhaba.

Kulanka uu Xasan Sheekh la qaatay shacabka degmada Baydhabo kaddib ayuu kulan kale la qaatay odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlay xulista xubnaha baarlamaanka Koonfur-galbeed, wuxuuna ugu baaqay in waxgaradka inay qaab caddaalad ah ku saleeyaan xulista xildhibaanada, haweenkana laga qayb-geliyo.

“Waxaan aaminsanahay in odayaasha dhaqanka ay ku guuleysan karaan inay soo xulaan xildhibaannada maamulka Koonfur-galbeed, waxaana waxgaradkiina idin ka codsanayaa inaad cadaadlad kusoo xushaan xildhibaannada,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, dhawaanahan ayaa waxaa ka taagnaa magaalada Baydhabo muran xooggan oo la xiriira soo xulista xildhibaannada maamulka Koonfur-galbeed oo waxgaradku ay isku qabsadeen, qaabka loo soo xulayo.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxay gellinka dambe ee maanta lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn kaalinta dadaalkiisan ay ka qaadan karto soo xulista xildhibaannada maamulka Koonfur-galbeed Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya