4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
Al-shabaab oo Weerartay Xero Tababar oo ku Taalla Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Xoogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday xero lagu tababaro ciidamada dowladda Somalia oo ku taalla deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Max'ed Cumar Aadan (Guduudoow) ayaa HOL u sheegay in hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda uu ku dhintay goobta, halka dhinaca Al-shabaab sidda uu hadalka u dhigay ka dilleen mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday oo markii danbe goobta isaga baxsaday.

“Haa waa jirtaa arrintaa, xalay ayay soo weerareen goob lagu tababarayay maleeshiyaad la doonayay in lagu biiriyo ciidammada dowladda, annaga waxaa nooga dhintay weerarka hal askari, dhinaca kooxihii weerarka soo qaadayna qof ayaa ka dhintay, markii dambana dib ayay u baxsadeen'' ayuu yiri Maxamed Guduudoow oo ka tirsan saraakiisha ciidammada dowladda ee Halgan.

Sarkaalka u hadlay ciidamada dowladda ayaa intaa ku darray in Al-shabaab wali kusii har-san yihiin deegaannada ku hareereysan degmada sida Booc, Nuur-Fanax, Beero-yabaal iyo deegaanno kale islamarkaana qorsheynayaan siddii ay uga sii saari.

“Waa kooxo shacabka ku dhex-dhuumanaya, sidaas ayaysan u sahlanayn in laga hor-tago weerarada ay inta badan soo qaadaan, hase ahaatee waxaa socda qorshayaal militari oo la xiriira iyadoo dhinacna loo turayo dadka shacabka ah sidii deegaannadaas looga saari lahaa Al-shabaab ayuu yiri'' Maxamed Cumar.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo ay xoogagga Al-shabaab weeraar noocan oo kale ku qaadaan deegaanka Halgan tan iyo markii ciidmmada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM la wareegeen labo bilood ka hor.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya