4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
Taliyaha Booliiska Somalia oo Safar Dhulka ah ku Tagay Maanta Degmada Cadaado (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Wafdi uu horkacayo taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Gaalkacyo kasoo ambabaxay ayaa safar dhulka ah ku gaaray maanta degmada Cadaado, iyadoo ay soo dhaweeyeen madaxda maamulka Galmudug iyo saraakiil ciidan.

Jen. Xaamud ayaa kulan la qaatay madaxda maamulka Galmudug oo ka dhacay xarunta madaxtooyada maamulka ee Cadaado, iyadoo kulankaan looga hadlay baahiyada ciidanka booliiska Galmudug iyo xoojinta wada-shaqayntynta ay la leeyihiin booliiska federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi oo kula hadlay warbaahinta xarunta madaxtooyada kulanka kaddib ayaa sheegay inuu safarka taliyaha booliiska Somalia muhiimad weyn u leeyahay maamulkiisa.

Taliayaha booliiska Somalia Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud oo isagana qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in safarkiisa Cadaado uu daba-joogo kormeer hawleed uu gobollada dalka qaarkood ku marayay.

Ugu dambeyn, socdaalka taliyaha booliiska Somalia ayaa lagu sheegay inuu ka yahay qayb sidii loo xoojin lahaa awoodda ciidamada booliiska Soomaaliya ee ka howlgala gobollada dalka, si ay ugu guuleystaan sugidda amniga shacabka ku nool gobollada dalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, taliyaha booliiska Somalia ayaa toddobaadkan booqasho ku tagay Puntland, isagoo kulamo looga hadlay xoojinta booliiska Puntland kula qaatay saraakiisha booliiska iyo mas’uuliyiinta maamulkaas oo uu ku jiro madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas].

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya