4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
NAIROBI: 63 Sarkaal oo Booliis ah oo shaqada laga joojiyay kaddib Musuq-maasuq lagu helay


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 63 sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ayaa shaqada laga joojiyay Khamiista maanta ah, kaddib markii lagu helay musuq-maasuq, iyadoo saraakiishaan intooda badan ay ka tirsan yihiin waaxda taraafikada.

Saraakiisha booliiska dalka Kenya ka tirsan ee shaqada laga joojiyay ayaa waxaa ka mid ah afhayeenka booliiska dalkaas, Masoud Mwinyi. Waxaana la sheegay in Mwinyi uu yahay  sarkaalka ugu sarreeya saraakiisha shaqada laga joojiyay maanta.

Guddiga NPSC oo baariitaan ku sameynayay 1,364-askari oo ciidamada booliiska ka tirsan oo lagu eedeeyay inay ku lug yeesheen musuq-maasuq ayaa waxay ku dhawaaqeen maanta inay shaqada ka fariisiyeen 63-ka sarkaal ee booliiska ah.

Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay inay baaritaano dheeraad ah ku sameynayaan  29-sarkaal oo kale, kuwaasoo ka tirsan saraakiishii lagu eedeeyay musuq-maasuqan ee booliiska dalka Kenya ka mid ah.

Hawlgalkaan baaritaanka ah ee ay sameeyeen Guddiga NPSC ayaa wuxuu socday muddo 14-bil, iyadoo saraakiisha shaqada laga joojiyay ay ku jireen 28 ka mid ah saraakiisha sare ee hay’adaha booliiska Kenya iyo kaaliyeyaashooda.

Guddoomiyaha NPSC, Johnston Kavuludi ayaa kaga dhawaaqay shaqo-joojinta saraakiisha ka tirsan booliiska xarunta guddiga baaritaannadan waday oo ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

“Waxaanu ogaannay in saraakiil hoose oo ka tirsan waaxda gaadiidka waddooyinka Kenya ay si joogto ah saraakiisha ugu diri jireen lacago, iyagoo sii marsiinaya aaladda M-Pesa oo ee taleefoonka Safaricom ee lacagaha la isugu diro, lacagahaas laga ururyay goobo gaar ah oo la bartilmaameedsaday,” ayuu yiri Kavuludi.

Ugu dambeyn, tallaabadaan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay nooceed oo qaar ka mid ah saraakiisha booliiska dalka Kenya looga joojiyo shaqada, kaddib markii lagu helay musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya