4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
Xujeydii Soomaaliyeed ee Sannadkan oo 31% la sheegay inay diideen inay ku laabtaan Dalkooda


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Qiyaastii 2,292 oo ka mid ah Soomaalidii sanadkan xajiyay ayaa boqortooyada Saudi Arabia weydiistay in loo kordhiyo muddada fiisooyinka, si ay u sii joogaan Sucuudiga, iyagoo sabab ka dhiganay amni-darro iyo xaaladda dhaqaale ee dalkooda oo aan wanaagsanayn aysan dib ugu laaban karin dalkooda, sida uu shaaciyay wargeyska Al-Watan ee kasoo baxay Sucuudiga.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in 31.48% xujeydii Soomaaliyeed ee xajinayay sannadkan oo tiradoodu ahayd 7,280-qof ay doonayaan inay Saudi Arabia sii joogaan.

Ilo-wareedyo ku dhow Hay’adda Tawafa ee Xajka ayaa sheegaya in baqdin laga qabo in dalabka xujeyda uu sababo muran soo dhexgala iyaga iyo wakiilllada u qaabilsan Xajka Soomaaliya.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in dhibaatadan ay jirtay labadii sano ee lasoo dhaafay, kaddib markii xujeydii ka timid waddamada aan deggenayn siyaasad ahaan ay go’aansadeen inaysan dib ugu laaban dalalkooda.

Guddoomiyaha arrimaha Xajka ee Soomaaliya, Axmed Luqmaan ayaa sheegay in xujeyda Soomaalida ah ay fiisooyinkooda xajka ku eg-yihiin 28-ka bishaan lagu jiro ee Oktoobar oo ku beegan 15-ka bishan Muxarram 1437. Wuxuuna intaas ku daray in maalin walba ay Muqdisho u dhoofayaan laba diyaaradood oo sida 400 oo xujey ah.

Lumaan ayaa wuxuu su’aal ka keenay tirada ay soo bandhigay hay’adda Tawafa, isagoo sheegay in 26% xujeydii sannadkan xajka u yimid Sucuudiga ay weli ku sugan yihiin dalka Sucuudiga, laakiinse intii kale ay u dhoofeen dalkooda, markii ay guteen waajibaadkii Xajka.

Dhanka kale, Axmed Lumaan ayaa sheegay in tirada sannadkan soo xajisay ay ahaayeen 7,440-xaaji, halka ay ha’yadda Tawafa ku sheegay inay tiradoodu ahayd 7,280-xaaji.

Sida laga soo xigtay hay’adda xajka Sucuudiga ayaa sheegtay in xujey Soomaali ah oo tiradoodu tahay 4,983-qof ay weli joogaan Somalia, balse Luqmaan ayaa ku doodaya in tiradaasi ay tahay mid laga bad-badiyay oo ay haatan hayaan in xujey gaaraysa 2,293-qof ay weli joogaan Saudi Arabia.

Wasaaradda Xajka dalka Sucuudiga ayaa ilo wareedyo ka tirsan waxaa laga soo xigtay in wasaaraddu ay ku dhawaaqday in 15-ka bisha Muxarram ee 1437-H oo ku beegan 28-ka Oktoobar, 2015-ka ay ku eg-yihiin fiisooyinka xajka, ciddii waqtigaas kaddib lagu arko Sucuudigana loo arki doono qof sharci-darro ku jooga, isla markaana lala tiigsan doono sharciga dalkaas u degsan.

Ugu dambeyn, is-buur-buurashadii ka dhacday sannadkan xajka ayaa waxaa ku dhintay lix xaaji oo Soomaaliyeed, inkatsoo wararka qaarkood ay gaarsiinayaan xujeydii Soomaalida ahaa ee sannadkan ku geeriyooday xajka ay gaarayaan 16-xaaji.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya