4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
Mombasa oo laga Xusay Dhalashada Sannadka Cusub ee Islaamka 1437-da Hijriya (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Xaflad loogu talo-galay xuska sannadka cusub ee Hijriyada oo hada bilowday, ayaa shalay Muslimiinta wadanka Kenya waxey ku qabteen magaalada Mombasa ee xarunta gobalka xeebta Kenya.

Munaasabada aheyd mid lagu soo dhaweynaayay sannadka cusub ee 1437 isla markaasna lagu sagootinaayay sannadkii aynu soo dhaafnay ee 1436, ayaa waxaa qeyb ka ahaa socod dheer oo lagu maray qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee Mombasa. Iyadoo dadkii ka qeyb galay socodkaasna ay wateen Boorar ay ku qornaayeen erayo soo dhaweyn ah.

Sannadka Hijriyada oo Muslimiinta adduunku ay tirsadaan, ayaa wuxuu leeyahay taariikho kala duwan; waxaana laga soo bilaabay markii Nabi Muxammed (NNKH ) uu ka guuray magaalada Makka uuna u guuray ama u hijriyooday magaalada Madiina oo taariikhdu ay ku beegneyd 22-kii bishii Rabiic Al-awal.

Sanadkaan Islaamka waxaa inta badan lagu gartaa Bilaha qaarkood iyo Munaasabado kala duwan oo ay ka mid yihiin Bisha Soonka, Ciidaha iyo waliba Xajka. Waxaana Bilaha sannadka Hijriyadu ay ku dhamaadaan 29 iyo 30 Maalin, halka Sannadka Miilaadigana ay bilihiisu ku dhamaadaan 30 ama 31 iyo waliba bisha February oo iyadu ku dhamaato 28 cisho.

Bilaha Hijriga Magacyadooda:

1.       Muxaram
2.       Safar
3.       Rabii’ul-Awal.
4.       Rabii’ul-Thani
5.       Jamaadul-Awal.
6.       Jamaadul-Thani.
7.       Rajab (Bil Barakaysan)
8.       Shacbaan.
9.       Ramadaan
10.     Shawaal
11.     Dul-Qa’da (Bil Barakaysan) iyo
12.     Dul-Xij  oo iyaduna ah (Bil Barakaysan).

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya