4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
SAWIRRO: Wasiirka Maaliyadda XF oo ka Qayb-galay Shirkii Sanadlaha ee IMF iyo B. Aduunka


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Wafdi uu horkacayo Wasiirka Maaliyada Somalia, Maxamed Aden Ibrahim [Farkeeti] ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii ay magaalada Lima ee xarunta dalka Peru ay uga soo qayb-galeeen shirkii sanadlaha ahaa ee bangiga Adduunka iyo hay’adda lacagta Adduunka (IMF).

Farkeeti ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyay guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia, Bashiir Ciise, khubaro iyo hawl-wadeenno ka socda wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe. Shirka ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee dhaqaalaha adduunka, sidii loo yareeyn lahaa saboolnimada iyo hagaajinta siyaasadaha dhaqaale.

Sidoo kale, wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxay shirar gaar-gaar ah la qaateen madaxda sare ee bangiga Adduunka, hay’adda Lacagta adduunka ee IMF, Marayknaka, Sweden, Britain, Denmark iyo bangiga horumarinta Islaamka.

“Waxaan shir gaar ah la qaadannay madaxa hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Christine Lagarde, waxayna dowladda Somalia ugu hambalyeysay inay markii ugu horreysay muddo 26-sano ah ku guulaysato inay wax weyn ka bedesho maamulka maaliyadda iyo koboca dhaqaale dalka iyo sida ugu dhaqsiyaha badan in Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay iyo sidii dib loogu soo noolayn lahaa shilinka Soomaaliga,” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

Isagoo sii hadlaya ayuu wasiirku wuxuu sheegay inuu kulan la yeeshay wafdi ka soday Mareykan oo ay hoggaaminayso, Marso Lago oo ka tirsan waaxda lacagta. Wuxuuna wasiirku warbixin ka siiyay xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee dalku marayo. Sidoo kale, Marso ayaa dhankeeda soo dhoweysay guulaha ay dowladda Somalia ku talaabsatay, waxayna xaqiijisay in Mareykanku sii kordhin doono caawinaada ay siiyaan Soomaaliya, dib u eegisna ku sameyn doonaan qaabka ugu haboon ee dowladda loo caawin lahaa.

Wafdiga ayaa dhanka kale la kulmeen wasiirka Horumarinta Boqortooyada UK, waxayna ka wadahadleen horumarka dowladda Somalia ka sameysay dhanka hogaajinta maamulka maaliyadda waxayna xaqiijiyeen in Soomaalia tusaale u tahay dalalka kale ee kasoo kabsanayoa dagaallada sokeeye.

Dhanka kale, wafdiga ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay wasiirada Horumarinta dalka Sweden, Isabelle Lovin, waxayna iska xog-wareysteen iskaashiga soo jireenka ah ee labada waddan ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa isla markaana loo taageeri lahaa dadka Soomaalida ee dalka ku soo noqonaya.

Ugu dambeyn, wasiirka iyo wafdigiisa waxay kulan la qaateen madaxa Bangiga horumarinta Islaamka, Mohamed Axmed Cali iyo howl-wadeennada Bangiga. Wasiirka wuxuu uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo baahida ay u qabto Somalia in laga taakuleeyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha, iyadoo ahmiyad la siinayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhanka wax soo saarka sida: Beeraha, Kaluumaysiga iyo Xoolaha.

“Waxaan balan qaadaynaa inaan sii kordhin doono taakulaynta uu Bangiga Islaamku la garab taagan yahay walaalaheena Soomaaliyeed, waxaana laga caawinayaa dhanka tababarada iyo dib u dejinta qaxootiga dib ugu soo laabanayo dalka,” ayuu yiri Mohamed Axmed Cali.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya