4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
Kooxda Boko Haram oo Al-shabaab ugu baaqday inay la midowdo Kooxda Islaamga ah ee Daacish


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Ururka Boko Haram ayaa ugu baaqday Al-Shabaab inay ku biirto kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Syria ayna ka baxaan ka mid ahaanshaha urur-weynaha Al-Qaacida.

Filim lasoo dhigay bogga Twitter ee Boko Haram ayaa lagu sheegay inay kooxdu ugu baaqayso Al-shabaab inay ka mid noqdoto ISIS, si la isaga kaashanado in la jabiyo waxay ugu yeereen cadowga Islaamka meel walba oo uu dunida ka joogo.

Sidoo kale, telefishinka FOX News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa isna baahiyay in kooxda ISIS/Daacish ay sannadihii u dambeeyay dadaal weyn ugu jirtay sidii ay ugu soo biiri lahayd Al-shabaabta Somalia.

Dhawaan ayay ahayd markii dhinacyada IS ee ku sugan dalalka Ciraaq, Suuriya, Gacanka Sinai ee Masar iyo Yemen ay fariin wadajir ah soo saareen, iyagoo ugu baaqay Al-shabaab inay ku soo biirto xoogaggooda.

Balse, Al-shabaab ayaa soddomeeyo ajaanib iyo Soomaali isugu jira ku xir-xirtay degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, kuwaasoo lagu tuhmayo inay deegaano kala duwan ku daadiyeen qoraallo lagu taareerayo kooxda Daacish.

Qoraaalladan ayaa ku qornaa erayo lagu taageerayo khilaafada islaamiga ah ee Daacish, waxaana sidoo kale isugu yeereen dadkii daadiyay wiilashii khilaafada, si dadka looga dhaadhiciyo inay taageeraan ISIS.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhawaan soo saaray amar ah inaan la jeedin karin khudbado aan fasax looga heysan xafiiska warbaahinta, iyadoo soo baxayeen khudbado laga jeedinayay masaajidda oo ku saabsanaa in lala midoobo kooxda Daacish ee ka dagaalanta Bariga Dhexe.

Ugu dambeyn, tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Al-shabaab ay degmada Jamaame ku xirtay illaa shan qof oo ajnabi ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay khudbado ka jeediyeen masaajidda, kaasoo lagu taageerayo Daacish.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya