4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
Sarkaal ka tirsanaa AMISOM oo 18-sano oo xabsi ah lagu riday kaddib markii lagu helay xatooyo


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Maxkamad ku taalla Uganda ayaa 18-sano oo xabsi ah ku riday sarkaal ka tirsanaa ciidamada AMISOM, kaasoo lagu eedeeyay inuu shidaal ay ku howlgeli lahaayeen ciidamada AMISOM uu xaday, dabadeedna iibsaday.

Col. Eugene Ssebugwawo oo ah sarkaalka la xukumay ayaa mas’uul ka ahaa saadka iyo maamulka guutada sagaalaad ee ciidamada AMISOM, waxaana si khiyaano ah u iibsaday shidaalka ciidamadu ay ahayd inay isticmaalaan inta ay howlgalka ku jiraan.

Sidoo kale, Col. Eugene Ssebugwawo ayaa lagu eedeeyay in 7,000 illaa 8,000 oo liitar oo shidaal uu iibsaday, iyadoo arrintan lagu ogaaday baaritaano dhaadheer oo ay sameeyeen saraakiil Uganda u dhashay.

Garsooraha maxkamadda, Jen. Levy Karuhanga ayaa sheegay in sarkaalka la xukumay uu qirtay dambigii lagu soo eedeeyay oo ahaa inuu si bareer ah u xaday shidaal loogu talo-galay ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ka howlgala.

Dhanka kale, Maxakamadda xukunka ridday ayaa sheegtay in Col. Eugene uu xukunka lagu riday ka qaadan karo rafcaan muddo afar maalmood gudahood ah, haddii uu qaadan waayana uu xukunkiisa dhameysan doono.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadaha ciidamada dalka Uganda ay xukunno ku ridaan saraakiil ka tirsan howlgalka AMISOM oo lagu soo eedeeyay inay dambiyo galeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya