4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2015
KENYA: 105 Mudane oo diyaarinaya Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta


Khamiis, Oktoobar 15, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 105 xildhibaan oo baarlamaanka Kenya ka tirsan ayaa mooshin xil ka qaadis ah ka diyaariyay, madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, iyagoo ku eedeeyay inuu ku xad-gudbay dastuurka, sida maanta uu soo daabacay wargeyska The Star ee kasoo baxay Kenya.

Xildhibaan John Mbadi oo hoggaaminaya xildhibaannadan ayaa sheegay inuu rajeynayo in arrinta mooshinka ay soo gunaanadaan dhamaadka toddobaadka lagu jiro, isaaoo xusay in ay mooshinkoodau raadinayaan taaageero dheeri ah.

Sidoo kale, xidhibaan Mbadi wuxuu sheegay in mooshinka uu u baahan yahay taageerada 349 xildhibaan ka hor inta aan loo gudbin golaha baarlamaanka si ay uga doodaan.

“Kuwii maleynayay inaan kaf-tamayno ama baqayno, waxaan u sheegayaa inuu tareenku ka tagay,” ayuu Mbadi oo ka mid ah xildhibaannada xisbiga ODM ugu jira baarlamaanka Kenya.

Isbahaysiga mucaaradka ah ee Kenya CORD oo uu hoggaaminayo ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya, Raila Odinga ayaa si weyn uga soo hor-jeeda xisbiga talada dalka Kenya haya ee JUBILEE oo uu hoggaamiyo Uhuru Kenyatta.

Xubnaha qaybta ka ah mooshinkan ayaa waxay kala yihiin; Eseli Simiyu, Tom Kajwang’, Peter Kaluma iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya, iyadoo mooshinka uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo Kenyatta laga diyaariyo.

Sidoo kale, weli ma cadda xilliga rasmiga ah ee mooshinka gacanta loo gelinayo gudoonka baarlamaanka Kenya, iyadoo qodobbada lagu xusay mooshinkan ay ka mid yihiin; amar-diiddo maxkamadeed, inuu diiday inuu kordhiyo mushaarka macalllimiinta Kenya iyo inuu ku tuntay dastuurka Kenya u yaalla.

Mooshinka ayaa waxaa kaloo lagu xusay eedeymo ay ka mid yihiin in Uhuru Kenyatta uu kala soocid iyo magac-dil ku sameeyay wasiirrada xukuumadda qaarkood iyo in gacan ka geystay xadgudubyo badan oo Kenya ka dhacay.

Ugu dambeyn, waxaa ka mid ah eedaha loo haysto madaxweynaha xadgudbka xeerka jin-siga uu ku sameeyay, inuu lunsaday 200-milyan oo Kenyan Shilling ah iyo qodobbo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya