4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2015
Murashaxa Hoggaanka Xiriirka FIFA Amiir Cali oo ka digay dib u dhac ku yimaada Doorashada


Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (HOL) — Musharraxa madaxtinimada FIFA, Prince Ali bin al-Hussein ayaa sheegay in wixii dib u dhac ah ee ku yimaada doorashada qofkii bedeli lahaa Sepp Blatter ay abuuri doonto xasillooni-darro dheeraad ah oo soo wajahda xiriirka kubada cagta Adduunka.

Amiir Cali oo u dhashay dalka Urdun ayaa doonaya inuu beddelo guddoomiyaha shaqada la joojiyay ee FIFA doorashada dhicaysa bisha Feberaayo ee sannadka soo socda 2016-ka.

Hase yeeshee kaddib markii Blatter oo 79 jir ah iyo guddoomiyaha Uefa, Michel Platini oo 60 jir ah, shaqada laga joojiyay toddobaadkan, FIFA ayaa lagu wadaa inay ka wada-xaajoodaan in dib loo dhigo doorashada.

Sepp Blatter oo u dhashay dalka Switzerland iyo Platini oo u dhashay wadanka Faransiiska ahna guddoomiye-ku-xigeen Fifa, labaduba waxay ka qaadanayaan rafcaan shaqo-joojinta lagu sameeyay muddada 90-ka maalmood ah.

Xoghayaha guud ee FIFA, Jerome Valcke ayaa sidoo kale shaqada laga joojiyay; kaddib markii lagu eedeeyay inay khaladaad galeen, waxaana saddexdoodu ay beeniyeen inay wax khalad ah galeen.

Ugu dambeyn, waxaa berri la qaban doonaa shir aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan xiriirka kubbadda cagta ee Qaaradda Yurub (UEFA), kaa oo looga hadli doono tallaabadan cusub ee ay FIFA qaadday.

XIGASHO: BBC SOMALI