4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2015
Ururka Bisha Cas ee Iiraan oo saxiixay heshiis uu gargaar bani'aadamnimo ku geynayo Soomaaliya


Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (HOL) — Ururka Bisha Cas ee dalka Iiraan ayaa la saxiixatay heshiis xiriirka caalamiga ah ee laan-qeyrta cas iyo bisha cas ee IFRC, kaasoo ay gar-gaar cunno ah ku geynayso dalka Somalia, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iiraan ee Fars.

Heshiiskan oo lagu saxiixay wadahadal dhanka isgaarsiinta la iska arko ah oo ay labadaan urur yeesheen, kaasoo ay uga wadahadleen sidii Somalia gargaar aadamnimo lagu gaarsiin lahaa.

Madaxa ururka Bisha Cas ee Iiraan, Mohsen Ziaee ayaa sheegay in heshiiskan uu qayb ka yahay adkeynta wada-shaqeynta ay la leeyihiin xiriirka IFRC, isagoo hoosta ka xariiqay in gar-gaarkii bani’aadamnimo ee ay dalalka Afrika geeyeen tobankii sano ee lasoo dhaafay gaarsiiyeen uu ahaa mid wax-ku-ool ah.

Sidoo kale, Ziaee ayaa xusay inay dhawaan billaabi doonaan sidii ay u kordhin lahaayeen gargaarka bani’aadamnimo ee ay gaarsiinayaan dalal ay ku jiraan Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaanu rajeynaynaa inaan dhameystirno shuruudaha heshiiskan illaa bisha November ee sannadkan,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxa Bisha Cas ee dalka Iiraan Mohsen Ziaee.

Intii uu socday wadahadalka ayuu xoghayaha guud ee xiriirka IFRC, Elhadj As Sy ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Iiraan ay go’aan ku gaarto inay kordhiso gargaarrada bani’aadamnimo ee ay dunida ugu deeqayso, isagoo tallaabada ururka Bisha Cas ee Iiraan ku tilmaamay mid ku dayasho mudan.

Cunno-yaraan iyo abaaraha ayaa ahaa sannadihii lasoo dhaafay kuwo aad uga jiray dalalka Afrika. Dalalka Bariga Afrika ee ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ayaa waxaa ka jiray abaaro xooggan, inkastoo Soomaaliya ay ka jiraan abaaro.

Xukuumadda Iiraan ayaa door weyn ka qaatay gargaaridda dalalka Afrika ee ay abaaruhu ku dhufteen sannadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyadoo la xusuusto in sannadkii 2011-kii ay Somalia ku dhufatay abaar xooggan oo dhalisay macluul ay ku naf-waayeen kumannaan Soomaali ah.

Ugu dambeyn, IFRC oo ah xiriirka  ugu weyn gar-gaarrada bani’aadamnimo ee caalamka; waxaana hoos-yimaadaan in ka badan 189 urur oo ka shaqeeya samafalka, waxayna wax ka qabtaa xaaladaha caafimaad iyo cunno ee ka dhaca caalamka oo dhan, waxaana si bilaash ah ugu shaqeeya 17-milayn oo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya