4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2015
Taliye ku xigeenka Ciidanka AMISOM oo Safarro ku tagay Baardheere iyo Diinsoor (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada lugta AMISOM, Jen. Mohammedesha Zeyinu ayaa soo gunaanaday safarro uu ku tagay magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo ka kala tirsan gobollada Bay iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Isagoo kula dardaarmay ciidamada ku sugan inay amniga labadaan degmo adkeeyaan.

Degmooyinkan ayaa Al-shabaab laga saaray bishii July ee sannadkan, halkaas ahayd goobo ay u adeegsan jireen tababarada xoogaggooda, ayna kasoo abaabuli jireen weerarrada ay ka geysanayeen gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Jen. Mohammedesha Zeyinu ayaa booqashadiisa ku sheegay mid ay ciidamada u dhiirri-gelin lahaayeen, isla markaana ay wax uga ogaan lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin iyo tan labadaas magaalo. Isagoo ciidamadii uu la kulmay si aad ah ugu ammaanay howsha ay hayaan iyo sidii ay u soo afjareen sannado badan oo ay Al-shabaab dhibaatooyin ku haysay shacabka degmooyinkaas ku noolaa.

“Hawlgalkii aad kula wareegteen degmada Baardheere waa mid guul weyn u ah ciidamada AMISOM, shacabka Soomaaliyeed iyo weliba saaxiibbada gacanta ka geystay sidii hawl-galkiinnan uu u guuleysan lahaa. Sidaa awgeed waxaan idin kaga mahad-celinayaa howsha ay sameyseen,” ayuu Jen. Zeyinu ku yiri hadal uu jeediyay ciidanka AMISOM ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, wuxuu hadal u jeediyay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Bay, isagoo ayuu ku boorriyay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamada dowladda Somalia si Somalia oo dhan looga saaro Al-shabaab.

“Ujeeddada howlgalkeenna Somalia waa inaan ka adkaanno oo aan cirib-tirno Al-shabaab, si aan dib ugu soo celinno nabadda iyo deggenaashaha dalka Somalia, gobolka iyo weliba qaaradda oo dhan, maxaa yeelay cadowgani waxay cadow ku yihiin; dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Bariga Afrika. Markii aan cirib-tirno cadowgan ayaan awoodi karnaa inaan xaqiijinno xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka oo dhan. Arrintuna waa mid cad oo aad ogtihiin, waayo halkan kama jirin nabad, xasillooni iyo horumar, xaalkuna mar walba way kasii darayay,” ayuu yiri Jen. Mohammedesha.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa maamulka ka jira gobolladan ayaa waxay dadaallo ugu jiraan sidii ay u adkeyn lahaayeen amniga deegaannadii Al-shabaab laga saaray, iyagoo shacabka ku boorriya inay lasoo socodsiiyaan wax walba oo ay u arkaan inay khatar ku yihiin oo ka imaanaya dhanka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ayaa waxay tababbarro siinayaan ciidammo ka socda bulshada degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor, kuwaasoo isug jira dumar iyo rag, iyagoo doonaya inay qayb ka qaataan sugidda amniga markii tababarku u dhammaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya