4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2015
Madaxweynaha Puntland iyo Taliyaha Booliiska Somalia oo Gaalkacyo kulan kulmay (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hoyga uu ka dagan-yahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku qaabilay taliyaha booliska Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland.

Taliyaha oo ay la socdaan saraakil sar-sare oo ka tirsan dowladda federaalka Somalia ayaa madaxweynaha la kulmay ,waxaana la sheegay in ay ka wada –hadleen arimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta ciidanka Soomaaliyeed.

“Madaxda  iyo saaraakiisha kale ee Puntland waxaan uga mahad-celinaynaa sida ay halkan noogu soo dhaweeyeen,“ ayuu yiri taliyaha booliiska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha kulanka ka dib.

“Safarkii aan ku nimid Puntland waxaa noogu qabsoomay waxyaabo badan oo la baahnaa in horey loo qabto ,dhamaan waan la kulannay saraakiisha halkan joogta,“ ayuu mar kale yiri taliyaha oo tilmaamay in booliska Puntland la hormarin doono.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegay in uu taliyaha ka dalbaday dar-dar-galinta wada-shaqeynta ciidamada, iyadoo maalmo ka hor tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaliya.

Ugu dambeyn, taliyaha booliska Somalia ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoog-ga saarayso sidii loo midayn lahaa dhamaan ciidamada dalka oo dhan, waxaana meesha uu ka saaray dhaliilaha loo so jeedinayo hogaanka ciidamada Soomaaliya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]