4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2015
Dunida Islaamka oo looga Dabaal-dagay billowga Sannadka Cusub ee Islaamka HIJRIGA 1437-da


Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (HOL) — Caalamka Islaamka ayaa maanta looga dabaal-dagay bilashada sannadka cusub ee Islaamka oo maanta billowday, iyadoo sannadkaan cusub uu noqonayo sannadkii 1437-aad.

Taariikhada Islaamka oo ka kooban 12-bilood oo ay ku jiraan afar biloood oo uu si gaar ah u ammaanay Illaahay [SCW], waxaana looga dhaqmaa dalal badan oo Islaam ah taariikhda Islaamka, iyadoo lagu bixiyo mushaaraadka shaqaalaha dalalkaas oo ay ka mid tahay Saudi Arabia.

Sannadka Islaamka ee HIJRIGA loo yaqaanno ayaa soo billowday intii uu Nebi Muxamed [NNKH] noolaa, markaasoo Nebigeena iyo Asxaabtiisii ay ka hijroodeen magaalada Maka Al-mukarrama, iyagoo u hijrooday magaalada Madiina Al-munawara oo ahayd magaaladii uu ku geeriyooday.

Waddamada Khaliijka intooda badan ayaa looga dabaal-dagay billowga sannadka cusub ee Islaamka, waxaana dalalka qaarkood laga dhigay dabaal-dagyo aad u waaweyn oo lagu soo dhaweynayay dhalashada sannadka cusub ee Hijriga.

Dhanka kale, sannadaha Qamariyada [Hijriga] iyo Shamsiyada [Miilaadiga] ayaa waxay is-dheer yihiin 11 casho. Maalmaha sannadka islaamka ayaa ah sannadkii oo dhan 354-casho, halka maalmaha sannadka Millaadiga ay ka yihiin 365-maalmood.

Haddaba, sannadka Islaamka ayaa waxay bilihiisu kala yihiin; Muxaram, Safar, Rabiicul-Awal, Rabiicul-Thaani, Jamaaddul-Awal, Jamaaddul-Thaani, Rajab, Shacbaan, Ramadaan, Shawaal, Dul-Qacda iyo Dul-Xija.

Markii ugu horreysay ee taariikhda Islaamka ay billaabato ayaa ku beegnayd 18-kii Abriil sannadkii     622 sannadka miilaadiga, iyadoo la sheego in markii uu Nebigeenna [NNKH] ka Hijrooday magaalada Maka Al-Mukarama oo uu ku dhashay ay ahayd 21-kii bishii Juun ee sannadkii 622-kii.

Ugu dambeyn, bilaha Islaamka waxaa ku jira afar bilood oo barakeysan oo saddex bilood oo ka mid ah ay isku xigaan oo kala ah; Dul-Qacda, Dul-Xija iyo Muxarram iyo bisha kale oo ah bisha Rajab; kuwaasoo Alle uu ka mamnuucay muslimiinta inay dagaalamaan, balse uu faray in haddii lasoo weeraro ay is-difaacaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya