4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2015
Wadahadallo u dhexeeya Dowladda Somalia iyo Somaliland oo ka furmaya Xarunta dalka Turkiga


Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (HOL) — Waxaa lagu wadaa in toddobaadkan uu ka furmaan dalka Turkiga wadahadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Somaliland, iyadoo looga hadli doono wadahadalkan maamulka hawada Soomaaliya oo dhawaan lagu soo wareejiyay dowladda Somalia.

Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo shalay ka dhoofay Hargeysa, iyagoo kusii jeeda magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Maxamuud Xaashi oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay inaanay marnaba aqbali doonin in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Somaliland. Isagoo yiri “Waxaa halkan ka caddeynayaa in hawada Somaliland aan laga maamuli doonin Muqdisho, marna kama tanaasuli doonno mowqifkeenna, waxaa shalay diidnay, maantana yeeli mayno.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay rabto inay dhacaan saddex arrimood midkood, kuwasaoo kala ah; In hawada laga maamulo Hargeysa, ama hawada loo kala gooyo Somaliland iyo Somalia, ama in QM ay gacanta kusii hayso.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in haddii aysan saddexdaas arrimood aysan dhicin ay isaga tagi doonaan wadahadallada ay la yeelanayaan wafdiga kaga imaan doona dhanka dowladda federaalka Somalia ee Muqdisho.

Dhanka kale, RW Somalia Shara’marke ayaa xarigga ka jaray maalin ka hor taawarka cusub ee laga hagi doono hawada Somalia oo laga dhisayo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, maamulka hawada Somalia ayaa waxaa labaatankii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku haysay hay’adda ICAO ee hoos-tagta QM, iyadoo fadhigeedu ahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya