4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2015
MADAXWEYNE XASAN: Anigu Urur kama tirsani, Dalkana kama jirto Dowlad ay leedahay Dam-jadiid


Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo su’aalo kaga jawaabayay shacab Soomaaliyeed oo dood ka qaybgalayay ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in awoodda dalka ay gacanta ugu jirto urur gaar ah, wuxuuna sheegay inuusan ka mid ahayd urur ka mid ah ururrada islaamiga ah ee dalka ka jira, waligiisna uusan ka mid noqon.

Xasan Sheekh ayaa xusay inaysan jirin dowlad ay leeyihiin Dam-Jadiid, kaasoo la sheego inuu madaxweynuhu ka tirsan yahay uuna awoodda dalka gacanta u geliyay, balse wuxuu sheegay inaysan dalka ka jirin dowlad ay koox gaar ahi leedahay amaba yeelan karto.

“Aniga madaxweyne ahaan ama ka Xasan Sheekh ahaan urur diimeed waligeey kama mid noqon, maantana kama mid ahi; haddii ay ahaan lahayd Damul Jadiid, Al-Islaax, Aala Sheekh, Ahlusunna, Ictisaam ama Al-Itixaad. Madaxweyne kasta shaqsiyaad la shaqeeya oo ka agdhow oo shaqada u fududeeya way soo jireen, dabcana waa ay jirayaan, balse dowlad Damul-jadiid ay leedahay dalkaan kama jirto,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia oo mar la weydiiyay inuu musharax yahay marka la gaaro sannadka 2016-ka; ayuu ku jawaabay inuu yahay musharax, isla markaana uu rajeynayo inuu mar kale qabto xilka madaxweynenimo ee dalka, haddii laga guuleystana uu la shaqeynayo ciddii xilka loo doorto.

“Waxaan rabaa inaan dhaqan cusub iyo waddo cusub jideeyo, murashax waan ahay, haddii la ii doorto inaan mar kale sii joogo xafiiska diyaar baan u ahay, balse haddii la iga guuleysto waxaa raalli ka ahay inaan xilka ku wareejiyo qofka la doorto lana shaqeeyo,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in haddii ay suuro-geli weydo doorasho Cod iyo Qof ah; aysan diyaar u ahayn inay xilliga kororsadaan, isagoo tilmaamay qaladaadka ay leedahay waqti kordhinta ay soo arkeen, qalad kii shalay lla galay la mid ahna aysan doonayn inay galaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweynaha Somalia ee ku aaddan inuusan ka mid ahayn koox diimeedyada ka jira dalka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay shacabka Muqdisho intooda badan ay isla dhexmarayeen inuu madaxweynuhu ka tirsan yahay ururka Dam-jadiid oo ah garab ka go’ay ururka Al-Islaax.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya