4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2015
XEER ILAALIYAHA: Way dhammaantay xilligii dadka sida sharci-darrada ah la isaga soo xiran jiray


Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (HOL) — Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta ka dhawaajiyay inay dhammaantay in xilligii dadka la iska xiran jiray, isla markaana xabsiyada laga isaga haysan jiray, iyagoo aan wax xukun ahi ku dhicin.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay ka war-qabaan xabsiyada dowladda gacanta ku hayso iyo dadka ku xiran, isagoo intaas ku daray inaanu xirnaan karin qofka muwaadinka ah muddo 48-saac ka badan.

“Xilligii dadka la iska xiran waa dhamaaday. Waxaan sameynay dadaal badan, waana laga gudbay, Inkastoo ay weli wax jiraan haddana waa waxaan badnayn,” ayuu hadalkiisa ku daray Xeer-ilaaliyaha Qaranka.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha ayaa daboolka ka qaaday inaan 17-ka saldhig iyo xabsiyo kale aan hadda qofna lagu xiri karin iyadoo aan wado sharci ah loo soo marin.

Ugu dambeyn, hay’adaha amniga dowladda Somalia ayaa horay lagu dhaliilay in ay dadka si aan sharci ahayn u soo xirtaan, iyagoo aanay maxkamadi amarin xarigga qofkaas. iyadoo xabsiyada ay ku jiraan dad badan oo aan maxakmad la horgeyn.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Xeer-ilaaliayaha guud ee Qaranka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa, iyadoo dhawaan Muqdisho lagu xiray laba wariye oo Universal Tv  ka tirsan, kuwaasoo ugu dambeyn si shuruud la’aan ah lagu sii daayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya