4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
Xulka Qaranka Soomaaliya oo looga adkaaday Ciyaartii labaad ee ay la yeesheen Xulka Niger


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Xulka Qaranka Somalia ayaa maanta lugtii labaad ee is-reeb-reebka koobka adduunka ee 2018-ka oo ay isaga horyimaadeen dhiggooda dalka Niger oo ka dhacday xarunta dalkaas ee Niamey ayaa looga adkaaday 4-0 – [Afar gool iyo waxba].

Goolasha looga badiyay xulka Qaranka Somalia ayaa waxaa u kala dhaliyay xulka Nigeri ciyaartoyda kala ah; Mahamane Cisse iyo Moussa Maazou. Waxaana ciyaartan oo ahayd mid aad u kulul ay labada xulba soo bandhigeen ciyaar aad loo jeclaystay.

Mahamane Cisse ayaa goolkii koowaad u dhaliyay xulka Niger daqiiqaddii 13-aad. Goolkii labaad ayaa waxaa daqiiqaddii 18-aad isna dhaliyay ciyaaryahan Moussa Maazou, iyadoo isla ciyaaryahan uu goolkii saddexaad dhaliyay daqiiqadii 32-aad ee ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 oo uu ku hayay hoggaanka xulka Niger. Markii labada xul ay isugu soo laabteen qaybtii 2-aad ee ciyaarta ayaa daqiiqaddii 68-aad waxaa goolkii afaraad u dhaliyay xulka Niger ciyaaryahan Mahamane Cisse.

Xulka Qaranka Somalia ayaan wax gool ah dhalin labadii ciyaar ee ay xulka Niger isaga horyimaadeen, iyadoo la xusuuto in lugtii koowaad ee ciyaartan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya looga adkaaday Soomaaliya 2-0, iyadoo labada gool ee ay heleen xulka dalka Niger uu u dhaliyay laacibkooda Moussa Maazou.

Ciyaarahan oo ka mid ahaa is-reeb-reebka ciyaaraha koobka adduunka ee Ruusha ka dhici doonta sannadka 2018-ka ayaa waxaa xulka Somalia ay si rasmi ah u xaqiijisay maanta inay ka hartay markii looga adkaaday labadii kulan ee ay la yeesheen xulka dalka Niger.

Ugu dambeyn, xulalka kale ee Afrika oo maanta iyaguna cyiaaray is-aragyada is-reeb-reebka ciyaaraha koobka adduunka ee 2018-ka ka dhacaya Ruushka ayaa waxay u kala badiyeen sidan.

Madagascar       2 - 2       Central African Republic
Burundi             2 - 0       Seychelles
Namibia            2 - 1       Gambia
Sierra Leone      2 - 1      Chad

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya