4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
Rabshado dhexmaray Ciidan Booliis ah iyo Arday oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Dibadbax rabshado wata ayaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari maanta ka dhacay, kaddib markii ciidamada booliiska ay gudaha u galeen dugsiga sare ee Najax oo ay xilligaas ka socotay waxbarasho, ciidamadan ayaa la sheegay inay ku raad-joogeen dhallinyaro la sheegay inay dambiyo ka galeen magaalada Boosaaso.

Is-faha-darro soo dhex-gashay ciidamada booliiska iyo maamulka iskuulka ayaa sababtay in xabsiga loo taxaabo maamulihii iskuulkaas Yaasiin Dhahar, waxaana sida ay wax u dhaceen uga warramay VOA-da mid ka mid ah maamulka dugisga sare ee Najax oo lagu magacaabo, Axmed Muuse Axmed [Axmed Nuur].

“Taliyaha ciidamada Baalade, C/rashiid ayaa soo galay iskuulka, waxaana markii uu kasoo galay albaabka hore ka dalbanay inuu ciidamadiisa dibadda dibadda u bixiyo oo ay wada hadlaan, waana naga diiday. Wuxuuna dalbaday ciidamo fara badan, waxaana markii ay ciidamadu yimaadeen ayuu ku dhawaaqay in la xiro maamulaha iskuulka, waanu naga diiday inuu liis la yimaado, waxaana ciidanku ay xireen maamulihii iskuulka,” ayuu yiri Axmed Nuur.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa sheegay in askari ciidanka ka tirsan uu yiri inaysan wax liis ah la imaanayn, waxaana markaas kaddib isku daynay buu yiri inaan ku celinno ardayda fasalladooda si aanay buuq u sameyn, laakiinse ciidamadii ayaa ku furay fasallada rasaas, anigana dhaawac fudud ayaa iga soo gaaray.

Mar la weydiiyay in ardaydu iskuulku ay markaas kaddib bilaabeen inay gudaha degmada Boosaaso ka dhigaan dibadbax rabshado wata, ayuu ku jawaabay, “Ma ahan ardayda oo keliya, balse cid walba oo wax-garanaysay ayaa dibadbaxan u dhammaa, kuwaasoo ka gadoodsanaa falka ay ciidamadu ku kaceen.”

Tirada ardayda wax ka barta iskuulka Najax oo Axmed Nuur la weydiiyay ayaa wuxuu ku jawaabay. “Ardayda iskuulka dhigata waa; 960-arday oo gellinka hore dhigta iskkuulka, kuwaasoo 14-fasal wax ku barta, halka gellinka dambena ay dhigtaan 292-arday oo ah kuwo dugsi hoose ah. mana jiraan arday dhibaato ka soo gaartay rasaastii ay ciidamadu ridayeen.”

Dhanka kale, taliyaha qaybta booliiska ee gobolka Bari, Col. Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo isagana la hadlay VOA-da ayaa ku eedeeyay maamulaha iskuulka sare ee Najax oo u xiran haatan inuu ka dambeeyay rabshadihii maanta Boosaaso ka dhacay. isagoo ardayda iskuulkaas ku tilmaamay kuwo cadow ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Puntland intaba.

“Waxaan ogaannay in ardayda iskuullada dhigta aysan kuwo wax barta, laakiinse ay yihiin cadowga shacabka Puntland oo meesha lagu kaydsanayo. Iskuulladanna ma ahan iskuullo caadi ah oo dhinaca wanaagsan loogu adeego bulshada, balse ay yihiin kuwo dhinaca xun loogu adeego. Waxaana faraynaa dadka iskuulladaas leh inay ka fogaadaan inay ciyaalka u adeegsadaan in rabashado ka sameeyaan magaalada,” ayuu yiri Col. C/raxmaan Yuusuf.

Isagoo sii hadlaya taliyaha ayuu yiri. “Maamuliyadda wixii maanta ka dhacay Boosaaso ee isugu jira; khasaare maal, mid nafeed, mid daacayadeed iyo mid sumacadeedba, maamulka iskuulkaas ayaa mas’uul ka ah. Waxaa kaloo mas’uuliyada leh arday ku sheega aanu hadda hayno iyo kuwa maqan ee aan ku raad-joogno oo aanu magacyadooda haysanno, waxaana innagu u aragnaa inay yihiin cadowga Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah ardaydii dibadbaxa dhigay oo VOA-da uga warramay wixii ku kallifay inay bannaan-baxan rabshadaha wata dhigaan; ayaa sheegay inay ka caroodeen falka ay booliiska gobolka Bari kula kaceen iskuulkooda iyo xarigga maamulahoodii ay u geysteen, iyagoo xusay inay ku dalbanayeen dibadbaxa in maamulahooda lasoo daayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya