4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
Markabkii ugu horreeyay oo Maanta ku xirtay dekedda Magaalada Xudeydah ee dalka Yemen


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Saraakiisha dekedda magaalada Xudeyda ee Yemen ayaa shaaca ka qaaday manta in markabkii ugu horreeyay uu kusoo xirtay dekedda, kaasoo ay sheegeen inuu sidi shidaal ay baahi weyn u qabaan, laakiinse dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inaysan jirin gargaar ay badda u marisay Yemen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dalka Yemen ay ka jirto xaalad bani’aadamnimo oo aad u daran, iyadoo gargaarkii dalkaas la gaarsiin lahaa ay carqalad ku noqdeen colaadaha waddankaas ka socda.

Sidoo kale, saraakiisha dekedda Xudeyda ayaa intaas ku daray inay laba Markab oo kale oo sida shixnado isugu jira; qamadi iyo alwaax, kuwaasoo ay sheegeen inay meel ku how dekedda ku sugan yihiin.

Waxay saraakiishu intaa raaciyeen in markabka maanta kusoo xirtay dekedda Xudeydah uu soo socday muddo saddex maalmood ah, ayna jiraan 60-markab oo kale oo ku sugan bad-weynta, kuwaasoo ay sheegeen inay sugaya in loo ogolaado inay kusoo xirtaan dekedda.

Saraakiisha hay’adaha garaarka caalamka ayaa iyaguna sheegay in sababta daahinaysa inay maraakiibta gargaarka wada soo gaaraan dekedaha Yemen ay tahay baarista ku sameeyaan maraakiibta ciidamada isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo oo ka baaraya hub.

Afhayeenka isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo, Jen. Ahmed al-Asseri oo isna war-baahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin isku-day ay ku hor-istaageen maraakiibta ku socda dekedda Xudeydah.

“Waxaan u sheegnay maraakiibta shidaalka sida inay ku xigtaan dekedda Cadan, laakiinse maraakiib raashinka iyo waxyaabaha kale wada ay dekedda Xudeydah ku xirtaan. Waayo gargaarka waxaan doonaynaa in la gaarsiiyo shacabka ay dhibaatadu haysato,” ayuu yiri jen. al-Asseri.

Isbahaysiga uu hogaaminayo dalka Sucuudiga ayaa ilaalo ka haya badda cas si ay uga hor-tagaan in xukuumadda Iiraan ay hub ah u soo dirto kooxaha Xuuthiyiinta ah ee dagaallada kula jira ciidamada xukuumadda Yemen.

Dhanka kale, Jen. al-Asseri ayaa sheegay inaysan maraakiibta gargaarka wada ku sameyn baaritaanno, sida kuwa sita calaamadaha Bisha Cas iyo QM, balse ay baaraan maraakiibta sida madaxa-bannaan u socda.

Ugu dambeyn, hadalka afhayeenka isbahaysiga ayaa imaanaya iyadoo kooxaha Xuutiyiinta ah ay ogolaadeen in dagaalada ay joojiyaan ayna ka qayb-galayan wadahadallada nabadeed ee ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya