4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
Xukuumadda Uganda oo sheegtay inay lasoo bixi doonto ciidamadeeda ku sugan Koonfurta Sudan


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Ciidamada Uganda ee ku sugan Koonfurta Suudaan ayaa lagu wadaa inay billaabaan dhamaadka toddobaadkan inay ka baxaan dalkaas, sida uu sheegeay taliyaha ciidamada Uganda, iyadoo ay tani muhiim u tahay wadahadalka dhanka nabadda ah oo dhexmara mucaaradka iyo xukuumadda waddnkaas, kaasoo kaabaya heshiis ay labada dhinac kala saxiixdeen bishii August ee sannadkan.

Hoggaamiyaha mucaaradka waddanka Koonfurta Sudan ayaa maanta BBC-da u sheegay in heshiiskii ay la galeen xukuumadda uusan shaqeyn karin, taasina ay keenayso in mar kale ah gacmaha iskula tagaan xoogaggooda iyo ciidamada dowladda Koonfurta Suudaan.

Dagaalladii sokeeye ee ka qarxay dalka Koonfurta Suudaan bishii December ee sannadkii 2013-kii ayaa waxaa ku dhintay in ka badan kumannaan qof oo rayid u badan.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa isagana warbaahinta u sheegay in ciidamada Uganda ee ku ugan dalka ay dariska yihiin ee South Sudan ay kasoo baxayaan dalkaas illaa 01-da bisha November ee sannadkan.

Sidoo kale, wasiir u dowlaha arrimaha dibadda ee Uganda, Henry Okello Oryem ayaa isna war-saxaafadeed uu soo saaray ku xusay in faragelintii ciidanka Uganda ay ku sameeyeen Koonfurta Suudaan ay ahayd sidii looga hortegi lahaa in dalkaas uusan ka dhicin xasuuq.

Xukuumadda Uganda ayaan marna shaacin tirada ciidamada kaga sugan dalka Koonfurta Suudaan, kuwaasoo ay u diratay dalkaas si ay u xoojiyaan ciidamada madaxweyne, Salva Kiir oo dagaallo kula jiray xoogagga mucaaradka ah.

Balse, ciidamada Uganda ayaa la sheegay inay deggenaayeen saldhig oo dalkaas ku yaalla, kuwaasoo ay ka mid yihiin; garoonka diyaaradaha magaalada Juba ee xarunta Koonfurta Suudaan, Nesitu oo ku taalla koonfurta xarunta dalkaas iyo saldhigooda ugu weyn oo ku yaallay magaalada Bore, kaasoo saldhig u ahaa ciidammo lagu qiyaasay 3,500 oo askari.

Jen. Johnson Oloni oo ah taliye koox ka mid ah mucaaradka South Sudan ayaa warbaahinta u sheegay inay billaabayaan dagaalladii ay kula jireen xukuumadda Juba, isagoo taas sabab uga dhigay qorshe uu madaxweyne, Salva Kiir uu ku doonayo inuu ku abuuro 18 gobol oo cusub. Isagoo arrintan ku tilmaamay mid muuqata oo kali-talisnimo ah.

Dhanka kale, Jen. Oloni ayaa sheegay in xukuumaddu ay shacabka cadaadis ku hayso, isla markaana ay iyagu doonayaan inay xukuumadda ka saaraan gobollada ay dadka dhibaatada ugu geysanayaan.

Ugu dambeyn, Jen. Johnson ayaa hoggaamiyaha jabhadda Shilluk, taasoo ay ku eedeysay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF inay carruurta afduubaan oo ay u istcimaalaan dhigtaan askar ay ku agaalanto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya