4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
AKHRISO: Qodobadii laga soo saaray shirkii lagu Xallinnayay Mooshinka Madaxweynaha Somalia


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii looga hadlayay xallinta qodobbada mooshinkii ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ka keeneen madaxweynaha Somalia, iyadoo laga soo saaray warbixin ka kooban 10-bog oo la sheegay inay yihiin kuwii lagu xalliyay mooshinka madaxweynaha laga keenay.

Waxaa kaloo warbixinta lagu xusay in ergayga khiyaamo Qaran oo ay sheegeen inuu si cad u qeexayo qodobka 184-aad ee sharciga ciqaabta ee u degsan dalka.

Qodobka 184-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliya ayaa qaba; Qof kastoo ku kaca fal toos ah oo dhulka dowladda Soomaaliyeed gebi ahaan ama qayb ka mid ah hoos-geeya sayaadadda dowlad kale oo shisheeye ah, ama geysta fal wax u dhima madax-bannaanida ama kala dira midnimada dowladda (Waa Khiyaamo Sare oo Qaran), waxaana lagu muteysanayaa ciqaab dil ah.

Haddaba; AKHRISO Qodobbada xallinta Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha;

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gunaanadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay in mooshinkan uu halkaas kaga dhan yahay, loogana baahan yahay xildhibaannada Soomaaliya inay ajiibaan qodobbada ku xusan qoraalkan.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa isagana ka sheegay shirka in xukuumad ahaan ay ka shaqeyn doonaa fulinta qodobbadan, ayna kala shaqeyn doonaan cid walba oo ay khuseyso.

Ugu dambeyn, Qodobadan kasoo baxay shirka xallinta mooshinkii madaxweynaha ayaa la hor-geyn doonaan golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, iyadoo markaas kaddibna loo gudbin doono xildibaannada baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya