4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
Ciidamada Maamulka Galmudug oo Dagaal kooban kaddib la Wareegay Deegaanka Camaaro


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Ciidamada maamulka Galmudug ayaa la wareegay saaka oo Talaado ah deegaanka Camaaro ee gobolka Mudug, kaddib dagaal kooban oo ku dhexmaray ciidamada Galmudug iyo xoogagii Al-shabaab ee deegaanka gacanta ku hayay.

Deegaanka Camaara oo 180-km dhinaca Bari kaga beegan degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayay Al-shabaab qabsadeen ayaa la wareegay dhowr maalmood ka hor, iyagoo aan la kulmin wax iska-caabin ah.

Aadan Cabdi Cumar [Aadan Low] oo ka mid ah saraakiishii hoggaaminayay ciidamadii la wareegay Camaara ee Galmudug ayaa u sheegay VOA-da in dagaalka oo ahaa mid kooban uu kaga dhaawacmay hal askari, balse aanu ogeyn khasaaraha dhanka kale soo gaaray.

“Dagaal kooban ayaa na dhexmaray ciidamadeenna iyo kuwii Al-shabaab, laakiinse Al-shabaab way isaga baxeen deegaanka Camaara innaga ayaa gacanta si buuxda ugu hayna," ayuu yiri Aadan Low oo aan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay.

Sidoo kale, sarkaalkan ayaa u sheegay idaacadda VOA-da inay xoogaggii Al-shabaab ay aadeen dhanka degmada Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug oo ay markii horeba ka yimaadeen.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaan weli ka hadlin ka bixitaankooda deegaanka Camaara iyo la wareegista ay saakay aroortii la wareegeen ciidanka maamulka Galmudug ee gobollada dhexe ka taliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya