4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
Ciidamada AMISOM oo ilaalo ka haya Diyaaradii ku dhacday Deegaanka Carbiska (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ka hawlgala Somalia ayaa ilaallo xooggan ka haya diyaaradii xalay sida lama filaanka ahayd ugu dhacday deegaanka Carbiska oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Diyaarada ayaa waxaa burbur xooggan uu kasoo gaaray qaybta hoose iyo weliba baalasha diyaaradda, iyadoo ciidanka AMISOM ay ku sugan yihiin halka ay ku dhacday diyaaradda oo ah dhul beereed.

Sidoo kale, ciidamada AMISOM ayaa kala dagay raashinkii ay diyaaddu u waday, iyadoo diyaaraddaan ay u dhacday sababo la xiriira shidaal la’aan, waxaana weli ay diyaaraddu taallaa halkii ay ku dhacday.

Dhanka kale, diyaarada ayaan waxaan u dhawaan karin shacabka, iyadoo ay ka celinayaan ciidamada AMISOM dadweynaha inay u gudbaan halka ay diyaaraddu ku dhacday oo ku dhow saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.

Taliska MISOM ayaan weli wax war ah kasoo saarin diyaaraddan raashinka u sidday ee ku dhacday agagaarka degmada Afgooye, iyadoo sidoo kalena aysan dowladda Soomaaliya si rasmi ah uga hadlin diyaaraddan dhacday.

Balse, agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dowladda Somalia, C/waaxid Sh. Cumar ayaa xalay HOL u sheegay in sida ugu dhaqsiyo badan ay warbixin dhameystiran uga soo saari doonaan diyaaradda dhacday iyo sababa ay u dhacday.

Ugu dambeyn, diyaaraddan oo nooceedu ahaa Airbus 300 oo kasoo duushay dalka Masar ayaa laga badbaadiyay lixdii shaqaalaha ahaa ee la socday, waxaana saakay loosoo qaaday magaalada Muqdisho, balse lama oga halka loo gudbin doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya