4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
Shir looga hadlayay Xuquuqda Haweenka Afrika oo lagu qabtay xarunta Pan African (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Kulanka baarlamaanka Afrika oo ah kal-fadhigii afaraad fadhigiisa q-aad oo ajandihiisu yahay in looga doodo arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, cimilada iyo tamarta ayaa waxaa laga dhex-furay shir looga hadlayo horumarinta iyo illaalinta xuquuqda haweenka Afrika, maadaama loo aqoonsaday sanadka lagu jiro sannadka xoojinta iyo awood-siinta haweenka Qaaradda Afrika ee higsiga 2063-ka.

Shirkan looga hadlayo arrimaha Haweenka Afrika ee lagu qabtay xarunta Pan Afrika ee Johannesburg ayaa waxaa kasoo qayb-galay wasiirrada horumarinta ganacsiyadda yar-yar ee Koonfur Afrika, Lindiwe Zulu iyo madaxa xafiiska gar-doonka dadweynaha Koonfur Afrika, Avv. Thuli Madonsela iyo mas'uuliyiin kale oo ka socday qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Madaxweynaha baarlamaanka Afrika, Roger Nkodo Dang oo isagu furay shirka ayaa xusay inay muhiim tahay in laga shaqeeyo xoojinta xuquuqda haweenka loona horumarin lahaa dhaqaalaha, caafimaadka & waxbarashada haweenka Afrika, iyadoo ay Afrika isku raacday in sannadkaan noqdo sannadkii dar-dar-gelinta wax u qabashada haweenka iyadoo la hig-sanyo ajandaha sanadka 2063-ka.

Sidoo kale, Nkodo Dang ayaa intaa raaciyay inay muhiim tahay in la tix-galiyo heshisyadii iyo qodobadii kasoo baxay shirarkii lagu qabtay magaalada Maputo ee xarunta Muzambiig iyo caasimadda Shiinaha ee Beijing.

Wasiiradda horumarinta ganacsiyada yar-yar ee dalka Koonfur Afrika, Lindiwe Zulu oo ka hadashay madasha ayaa ka warbixisay xaalada haweenka Afrika, gaar ahaan kuwa Koonfur Afrika oo lasoo kulmay marxalado adag ayaa sheegtay in xilligaani ay haweenka Koonfur Afrika ay ka qayb-qaataan arrimaha siyaasadaha ayna isku xiran yihiin, waxayna u mahad-celisay haweena dalka Koonfur Afrika ee iyagu muujiyay isku-xirnaan & wax-qabsi uguna baaqday waddamada kale inay kaga daydaan horumarka ay sameeyeen haweenkooda.

Madaxa xafiiska gardoonka dadweynaha dalka Koonfur Afrika, Thuli Madonsela oo qayb ka ahayd qareennadii ka qayb-qaadanayay shirka haweenka ee Pan Afrika oo ka hadashay xad-gudubyada xuquuqda haweenka Afrika lagu haayo oo ay tusaale ahaan usoo qaadatay in qayb ka mid ah dalka Koonfur Afrika aan haweenka loo ogoleyn inay dhul ka dhaxlaan waalidkood, taasoo xad-gudub weyn ku ah bay tiri nidaamka dastuuriga ah ee Koonfur Afrika u yaalla.

Dhanka kale, xildhibaan C/casiis C/llaahi Maxamed (Xukun) oo ka mid ahaa xubnihii ka ahaa goobjoogga shirka haweenka ee baarlamaanka Afrika oo ay HOL wax ka weydiisay muhiimada shirka ayaa sheegay in looga doodayay arrimo aad xasaasi u ah oo meel ka dhac ku ah xuquuqda haweenka Afrika, isagoo xusay in looga hadlay kulanka haweenka Afrika ee ah tacdiyada loo geysto haweenka.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay waddan muslim ah, xuquuqda Diinta Islaamku ay siisay haweenka loo ilaaliyo sidii loogu talo-galay, haweenkeenu ay ka qaybqaataan qaybaha siyaasada, waxbarashada, ganacsiga iyo la qaybsashada ragga dhulka iyo dhaxalka qoyska, laakiin uu yiri qaar ka mid ah wadamada Afrika aan loo ogoleen inay intaas sameeyaan haweenka, tasoo keentay in aad looga hadlo arrimaha houmarinta iyo illaalinta xuquuqda haweenka Afrika mar walba sannadkan 2015 loo aqoonsaday sanadka haweenka Afrika.

Ugu dambeyn, shirka haweenka ee baarlamaanka Afrika oo soconayay muddo labo casho ah ayaa waxaa looga dooday arrimo badan oo xad-gudub ku ah xuquuqda haweena Afrika iyo sidii loo horumari lahaa waxbarashada iyo caafimaadka haweenka.

Si kastaba ha ahaatee, qodobbada la isla-gartayna ayaa ahaa in dab-agal loogu sameeyn cidii fulin weydana meel looga soo wada-jeesto. Maadaama inta badan heshiisyada iyo qodobbada la iku raaco aan la fulin, balse looga tago halkii lagu sheegay.

Maha Maxamed Sheekh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Pretoria, Koonfur Afrika