4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo ay kusoo kordhayaan Xarumaha Caafimaad (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sannadihii u dambeeyay waxaa kusoo badanaya xarumaha caafimaad ee bulshada kaalmada caafimaad u baahan loogu adeegayo.

Gobaha shantii sannadood ee lasoo dhaafay laga yagleelay magaalada ayaa waxaa ka mid ah; MANHAL Hospital ,Al-Hayat Clinical, Muna Labatory iyo afar  MCH oo u adeega hooyada iyo dhalaanka. Waxaana lagu qalabeeyay qalab caafimaad oo aad u tayo badan; intiisa badanna laga keenay dalka dabadiisa.

Xarumahan caafimaad oo intooda badan ah kuwa gaar loo leeyahay ah, ayaa   haddana waxay dabooleen adeegyada caafimaad oo inta badan loo doonan jiray magaalooyinka Hargaysa, Garoowe, Boosaaso iyo kuwa kale.

Isbitaalka weyn ee Laascaanood oo ugu da' weyn xarumaha caafimaad ee ka jira magaalda ayaa illaa iyo hadana waxaa loogu adeega si hagar la'aan ah bulshada, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay lagu sameeyay dib u habayn badan oo soo ay ka mid tahay waddo laami ah oo isku xiraysa magaalada.

Sidoo kale, Isbitaalka MANHAL oo ka mid ah xarumaha caafimaad ee ugu fir-fircoon ayaa maalmihii u dambeeyay ka socoday baadhitaanno caafimaad oo idhaha ah, halkaasoo 15-ka bishaan qalinka idhaha ah billaabi doono, mana aha markii ugu horreysay ee qaliin kan oo kala ah lagu fuliyo xaruntan.

Ugu dambeyn, horumar caafimaad ayaa ka jira gobolka, kaasoo deegaannadan kusoo kor-dhiyay daryeel caafimaad oo tayo leh, iyadoo ay xusid mudan tahay inay soo kordhayaan xarumaha caafimaadka, gaar ahaana kalkaaliyeyaasha caafimaad oo tiro aan yarayn ay sanadkan ka qalin-jabiyeen.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool