4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
Booliiska Koonfur Afrika oo baadi-goobaya burcad toogasho ku dilay Ganacsade Soomaaliyeed


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Ciidamada booliiska wadanka Koonfur Afrika ayaa baadi-goobaya saddex nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen toogashada ganacsade Soomaaliyeed, kaasoo ay ku dileen goobtiisa ganacsi oo ku taallay deegaanka isku-raranka ah ee Khayelitsha oo ka tirsan magalada Cape-town.

Ganacsadaha Soomaaligah ee la toogtay oo 26-jir ahaa ayaa la toogtay markii ay saacaddu ahayd 6:00 aroornimo ee Isniintii shalay, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay, Afhayeenka booliiska Cape-town, Cap. FC Van Wyk.

"Saddexdaan eedeeysane ee falka burcadnimo iyo dil lagu tuhmayo waxay qaateen lacaga kaash ah, sigaar iyo kaarka taleefoonnada. Waxay kaloo qaateen alaaba taallay dukaanka, kaddib markii ay dhowr xabadood ku hubsadeen ganacsadaha Soomaaliga ah,” ayuu mar kale yiri, Cap. FC Van Wyk.

Dhanka kale, tirada Soomaalida lagu dilay waddanka Koonfur Afrika ayaa aad u korortay, iyadoo bishan oo keliya la dilay ku dhawaad sideed qof oo gabi ahaan ahaa ganacsato iyo shaqaala dukaammo ku lahaa dalkaas.

Ugu dambeyn, dilalka ugu badan ay ka dhaceen gobolka Limpopo oo lagu dilay sannadkan afar ganacsato Soomaaliyeed ah, mana jirto illaa haatanna war kasoo baxay xukuuumadda Koonfur Afrika oo la xiriira dilalka sii kordhaya ee lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyoow)
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika