4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
Ciyaarihii Somaliland ee ka socday Boorama oo loo bedelay in Gallinka hore la Ciyaaro


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Tartankii is reeb-reebka ciyaarihii gobollada Somaliland qaybtiisii ka socotay magaaladda Boorama ee gobolka Awdal ayaa saaka ka bilaabantay magaalada kaddib markii shalay loo baajiyey rabashaddo ka dhacay Boorama.

Sida caadada ahayd galinka dambe ayaa tartanka goboladda la qaban jiray balse rabshaddo ku soo badanaya xaga dadweynaha ayaa loo bedelay galinkii hore maanta, iyadoo ciyaartii shalay baaqatay iyo tii maanta la ciyaari lahaaba galinkii hore maanta la wada ciyaaray.

Ciyaarta qaybteeda hore waxa wada-ciyaaray gobolka Saaxil iyo Selel, taasoo saaka 8:00 subaxnimo uga bilaamatay garoonka Xaaji Daahir Stadium ee Boorama.

Ciyaarta oo ahayd mid adag islamarkaana labada kooxood ba ka cararayeen inay tartanka ka hadhaan qaybtii horeba koox waliba keensatay hal gool, waxaana qaybtii dambe gool labaad keensaday xulka gobolka Saaxil oo ciyaarta ku hogaamiyay Saaxil 2:1 Salal.

Ciyaartii labaad ayaa iyaduna dhexmartay gobolka Hawd iyo gobolka Buuhoodle, kuwaas oo labadda kooxoodba isku barbar dhaceen, kuna dhamaatay hal gool iyo hal goo loo labadda gobol kala keensadeen.

Ciyaartan oo ahayd mid adag  oo bilaamatay 10:00 subaxnimo ayaa socotay illaa 12:00 duhurnimo, taas oo ay is mari waayeen labaddda gobol, haseyeeshee, wakhti ay ciyaartu gabogabo marayso ayaa gobolka Hawd keensaday hal gool, balse miridho kadib ayaa gobolka Buuhoodle keensaday goolka Barbar dhaca, waxaana baraajaha ku soo gudbay gobolka Hawd oo afar dhibcood leh, halka Buuhoodle laba dhibcood ka lahaa.

Ciyaarahan ayaa ka kala socday magaalooyinka Burco iyo Boorama, waxaana loo kala qaybiyey min toddoba gobol, iyadoo todoba gobolka magaalo ku ciyaarayey, waxaana kooxihii ka soo hadha is reeb reebka usoo gudbi doonaan garoonka magaaladda Hargeysa oo lagu qaban doono goboladda ka soo hadha is reeb reebkaasi Semi finalka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland