4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
XIL. GOODAX: Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe waa Sharci-darro


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia ee wax ka saxiixay mooshinka madaxweynaha laga keenay ayaa sharci-darro ku tilmaamay waddada ay u dowladdu doonayso inay u marto dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Goodax ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan ku bixin wax dadaal ah sidii lagu dhisi lahaa maamulka labadan gobol; sida ay dadaalka dheeraadka ah ugu bixisay dhimasha maamulllada Koonfur-galbeed iyo kan gobollada dhexe ee Galmudug.

“Gobollada koonfur-galbeed waxaa ka jiray dad kala aaminsanaa sadex gobol & lix gobol, dowladduna way la hadashay, sidoo kale gobollada dhexe waxaa lagala tashaday arrimaha maamul u sameynta maamulka Ximan iyo Xeeb, kan Ahlusunna & Maamulkii Galmudug; halka arrimaha gobollada Shabeellada dhexe & Hiiraan lagala tashaday labada guddoomiye oo keliya,” ayuu Goodax ku yiri hadal uu warbaahinta Muqdisho siiyay.

Sidoo kale, xildhibaan Goodax ayaa hore dhaliilo ugu soo jeediyay dowladda FS, isagoo ka mid ah xildhibaannada sida aadka ah u diiddan in laga wadahadlo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Somalia ee la doonayo in si wadahadal ah lagu dhameeyo.

Ugu dambeyn, hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ayay dib-u-dhacyo aan horay loo ogeyn ku yimaadeen; iyadoo aan la ogeyn weli xilliga uu shirka lagu dhisayo furmi doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya