4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2015
SAWIRRO: Diyaaradii raashinka u siday Amisom ee Xalay ku Dhacday Deegaanka Carbiska


Talaado, Oktoobar 13, 2015 (HOL) — Iyadoo xalay ay ku dhacday deegaanka Carbiska oo ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo diyaarada uu soo gaaray burbur xooggan oo dhan walba leh.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa u dhacday sababo la xiriira shidaalka oo ka dhamaaday iyo iyadoo kusoo aadday garoonka Muqdisho xilli habeenimo ah oo uu xiran yahay.

Shaqaalihii diyaaradda oo ahaa lix ayaa dhammaantood la badbaadiyay, dhammaantoodna waxay u dhasheen dalka Masar, waxaana lagu kala magacaabaa; Taariq Bayonmay, Salah Abdi Sadaq, Mohamed Subxi, Ahmed Baradaj, Alaa Raflax iyo Shaxata Shanoni.

Raashinkii diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay inuu wanaagsan yahay, iyadoo tan iyo xalay ay ciidamada AMISOM ilaalo xooggan ka hayeen halka ay ku dhacday diyaaraddan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya