4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
FAAHFAAHIN: Diyaaraddii ku dhacday duleedka Afgooye oo u dhacday sabab dhanka Shidaalka ah


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Diyaaraddii xamuulka ahayd ee fiidnimadii caawa ku dhacay deegaanka Carbiska ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegayaa in sababta ay u dhacday ay ahayd mid la xiriirta shidaal la’aan.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa raasihn u wadday ciidanka AMISOM ee ku sugan Somalia, iyadoo kasoo duushay dalka Masar, waxaana u suuro-geli wayday in ay ku dagto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo xilligaas xirnaa.

Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Somalia oo u warramayay HOL ayaa sheegay in diyaaraddu ay kusoo aadday garoonka xilli uu xiran yahay, shaqaalaha diyaaraddana ay u muuqdeen inay ahaayeen kuwo aan khibrad buuxda oo dhinaca duulimaadyada.

“Garoonka diyaaradaha Muqdisho wuu xiran yahay laga billaabo 6:00 maqribnimo illaa 6:00 aroornimo, shaqaalaha diyaaradana waxaan ku war-gelinnay in haddii ay soo dagaan aysan duuli karin maadaama ay sharciga garoonka ku xad-gudbeen,” ayuu HOL u sheegay agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Soomaaliya.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa intaas ku daray in diyaarad walba oo magaalada Muqdisho ku soo socota ay haysato warbixinta dhameystiran oo ah in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu xiran yahay habeenkii.

“Dhamaan shaqaalihii diyaaraddan la socday waa la badbaadiyay, waxaanse ka sheegayaa halka inay ahaayeen kuwo aan lahayn khibrad dhanka duulimaadka ah oo ku filan, waayo shidaalka ay wateen ma ahayn mid ku filan,” ayuu yiri mar kale agaasimaha oo la hadlayay HOL.

Agaasimaha ayaa sidoo kale u sheegay HOL inay warbixin dhameystiran kasoo saarayaan shilka ku dhacay diyaarada iyo sababihii keenay, isagoo xusay in shaqaalaha diyaaraddu ay sameeyeen khalad weyn.

Dhanka kale, khaladkan oo ah mid weyn ayaa waxaa mas’uul ka ah shaqaalihii diyaaradda la socday, sababtoo ah sharciga diyaaradaha ee u degsan caalamka ayaa wuxuu sheegaya in diyaarad kasta oo duullimaad sameynaysa ay tahay inay sii qaadato shidaal ku filan oo ay ku tagto garoonka ay ku socoto. Haddii ay ku socoto ay cilladi ka dhaco ay wadato shidaal kale oo ay ku tegi karaan hadba garoonka ugu dhow.

Ugu dambeyn, Marka la eego Soomaaliya garoommada u dhow ee ay diyaaraddii cilad la kulanta u sii duuli karto ayaa ah garoommada diyaaradaha waddamada Kenya iyo Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya