4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
WARBIXIN: Shacabka Soomaaliyeed kuma wada baraarugsana Xuska Maalinta Calanka Somalia


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Marka laga hadlayo xuska munaasabadaha inta badan dadka Soomaaliyeed waxaa dhagahooda ku badan maalmo kooban oo la isla yaqaano, sida 26-ka Juun, 01-da Luulyo, 08-da Maarso, iyo munaasabado kale oo laga yaabo in badan oo bulshada ah in ay goob joog u soo noqdeen.

Hase ahaatee xuska munaasabada maalinta calanka Soomaaliyeed waxaa la oran karaa waa munaasabadaha dhif iyo naadirka ah ee waayadii ugu dambeeyay soo maray dalka, waana tan keentay in bulshada qeyb weyn oo ka mid ah ku adkaatay in maanta oo kale laga dhaa-dhiciyo in ay u dabaal-dagaan maalinta calanka.

Dabcan markaad dhinac ka eegto layaab malaha waana wax dhici kara in Somalida inteeda badan, gaar ahaan kuwa ku gaarsaday waayihii adkaa ee dowlad la'aanta iyo fowdada uu dalku ku jiray inaysanba aamisaneyn jirintaanka calan illaa xad sidaa loo karaameeyo, madaama ay ka hoos dhasheen astaamo kale oo leh midabo kala gadisan kuwaasoo idhaha bulshada Soomaalida ku badnaa waqtiyadii danbe.

Dhab ahaan waxaa xaqiiqo ah in wali Calankii Soomaaliyeed nool yahay, in la xusanna qeyb weyn ka tahay jiritaanka Qarannimada Somalia iyo xasuusta geesiyaashii dhiigooda u daa'diyay siddii uu uga dul-baban la'ahaa gayiga Soomaaliyeed.

Calanka  waxaa la sameeyay ama la alifay sannadkii 1954-kii, waxaana hidisa lahaa Rabbi naxariisteen janno haka waraabiyee Max'ed Cawaale Liibaan.

Rasmi ahaa marka la eego calanka Soomaaliya ma'aha midabka hadda inta badan lagu arko fagaarayaasha, hasse ahaatee midabka ramsiga ah ee calanka waa cirka oo kale, taasoo ka dhigan in uusan aheyn midabka buluuga ah ee buuxa.

Qaar ka mid bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne oo aan arrintan ku saabsan xuska maalinta calanka wax ka weydiiyay waxay ii sheegeen in wax wanaagsan tahay xusuusta calanka Soomaaliyeed, balse calamada tirada badan leh ee maanta dalka ka abuurmay iyo kuwa kale ee wali jidka ku soo jirra ugu yaraan hoose u dhigi karaan xusuusta iyo qiimaha calanka Buluuga ah maadama uu ku dhax milmay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud oo maanta ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamusayay maalinta calanka, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii ugu danbeeyay soo baxayay ee ahaa in wax ka badal lagu sameeyo calanka.

Qaar ka mid ah baraha bulshada Soomaaliyeed ayaa lagu qoray in la qorsheynayo wax ka badal la doonayo in lagu sameeyo astaamaha qaar ee Calankeenna Soomaaliya, waan tan keentay in madaxweynuhu maanta arrintaa ka hadlo.

Dadka sidda weyn ula socda taariikhda calanka Soomaaliya ayaa kuu sheegaya in markii horeba micnaha calanka loo alifay aheyn jamhuurayda Soomaaliya oo kaliya, laakiin loo sameeyay qowmiyada Soomaalida meel kasta oo ay joogto taasoo ay ka tarjumeyso xidigta shanta gees leh ee uu caanka ku yahay calanka oo u taagan shanta qeybood ee gayiga Soomaaliya.

Mar haddii ay siddaa tahay su'aasha si weydiinta mudan ayaa ah maanta malaga xusaayaa munaasabada calanka shanta gees ee Soomaaliya, dabcan daruufo jirin awgood jawaabtu waxaa ay noqoneysaa MAYA.

Ugu dambeyn, muhiimadu waxay tahay in bulshada Soomaalida meel walba oo ay joogaan ku baraarugsanaadaan in sanad kasta marka la gaaro 12-October loo dabaal-dagayo xuska maalinta calanka, si aynu u xasuusanno Qarannimadeena iyo jiritaankeena ummaddeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya