4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
SHARMA’ARKE: Calanka Jamhuuriyadu Wuxuu Metelaa Dadka Soomaaliyeed oo Dhan (Sawirro)


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho oo lagu maamuusayay 61-guuradii kasoo wareegtay maalinta Calanka Somalia.

Sharma’arke ayaa ka hadlay muhiimadda dal walba uu u leeyahay maamuuska calankiisa, wuxuuna tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka qayb-galo munaasabadda lagu xusayo 61-sano-guurada calanka Soomaaliya.

“Runtii waa farxad weyn inaan maanta 61-sano kadib xusno maalinta weyn ee calankeena, weliba goobtii ugu horreysay ee laga taagay,” ayuu yiri RW Cumar oo intaasina ku daray in markii la sameynayay calanka iyo astaamihiisa oo ay ku jirto xidigta ujeeddeedu aanay ahayn oo kaliya shantii Soomaaliyeed, laakiin uu metelo dhamaan Qowmiyada ku abtirsata Soomaaliya.

Wuxuuna intaa raaciyay. “Calanka sidiisaba markii la sameynayay, xiddigta dhexda uga taalla waxay metelaysay shantii qaybood ee Soomaaliya loo qaybiyay, midabka buluugga ahna waxaa loo ekeysiiyay cirka, waxayna macnaheedu ahayd inaysan jirin xudduud kala qeybisa.”

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Kow iyo lixdan sannadood kaddib iyo maanta iyo berri Soomaalida oo dhan astaanta mataleysa waa calankaas, waxa loo sameeyay-na Jamhuuriyadda kaliya ma ahayn ee waa Qowmiyadda Soomaaliyeed oo dhan meel walba oo ay joogaan.”

“Soddonkii sano ee hore ee dowladnimadeenna, siyaasadeenna gudaha iyo mida dibedda isaga ayaa qeexay, waxaan dadka kula heshiinaynay ama ummad kula dagaalameynay waxay ahayd calankaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Sharma’arke.

Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa xusay in rajada dalka ay aad u wanaagsan tahay horumar badanna lagu tallaabsaday, laakiinse loo baahan yahay xilligan adag in si wadajir ah looga baxo.

“Annagoo federaal dhisayna, haddana waxaa loo baahan yahay in midnimadeenna aan si dhab ah u ilaalinno, hiigsiga geeddi-socodka 2016-ka, waa inaan si wadajir ah uga baxno, si caalamku u arko in Soomaaliya ay tahay dal isku tashaday oo horumar gaaraya,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay RW Sharma’arke.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya