4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2015
Maxkamad Maanta Amartay in Xabsiga laga sii daayo Wiilasha Madaxweynihii hore ee Masar


Isniin, Oktoobar 12, 2015 (HOL) — Maxkamadda ku taalla dalka Masar ayaa maanta amar ku bixisay in la sii daayo wiilasha madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak, Calaa Mubarak iyo Jamaal Mubarak, kuwaasoo horay ay maxkamadi ugu xukuntay saddex sano oo xabsi ah, kaddib markii la sheegay inay musuq-maasuq ku kaceen.

Qareenka difaacaya wiilasha Mubarak, Farid al-Deeb iyo garsooraha ayaa sheegay inay sii dayntooda ka dambeysay kaddib markii ay shaqooyin badan qabteen tan iyo markii la xiray sannadkii 2011-kii, haatanna ay maxkamaddu si  rasmi ah u amartay in la sii daayo.

“Haa… Maxkamaddu waxay amartay in la sii daayo,” ayuu yiri al-Deeb oo kula hadlayay warbaahinta magaalada Qaahira, isagoo intaas ku daray in labadaan  wiil ee uu Mubaarak dhalay ay shaqo badan qabteen intii ay xabsiga ku jireen.

Sidoo kale, saraakiisha ammaanka Masar ayaa sheegay in labadan walaalaha ah la sii dayn doono maanta oo Isniin ah ama berri oo Talaado ah, howsha sii-daynta Jamaal iyo Calaa ay socoto haatan.

Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Xusni Mubarak iyo wiilashiisa ayaa 2011-kii la xiray, bilooyin kaddib markii kacdoono ay shacabka Masar ay wadeen 18 casho oo xiriir ah xukunka looga tuuray, wuxuuna Mubarak ka talinayay dalka Masar muddo soddon sano ku dhow.

Bishii May ee sannadkan 2015-ka ayay maxkamadi ku xukuntay saddexdooda min saddex sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inay xadeen 21.6 milyan oo doollar oo loogu talo-galay in lagu dayactiro madaxtooyada Masar.

Waxaana lagu ganaaxay Mubarak iyo wiilashiisa lacag dhan 3.6 milyan oo doollar iyadoo lacagtii horay loo sheegay inay lunsadeen loogu daray lacag kale oo gaaraysa 21-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Dhanka kale, bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa muddo kooban xabsiga laga sii daayay Calaa iyo Jamaal Mubarak kaddib markii xukunkoodu dhammaaday, balse waxaa dib loo xiray bishii May ee isla sanadkan, kaddib markii dambiyo kale lagu helay.

Sidii-dayntooda ayaa loo malaynayaa inay keentay si aanay u soo bandhigin eedeymo ka dhan ah madaxweynaha xilka haya Cabdulfataax Al-Sisi oo ahaa madaxa ciidamada dalka Masar, intii uu xukunka hayay Xusni Mubarak.

Al-Sisi ayaa xukunka dalka Masar kula wareegay awood, kaddib markii uu xilka ka tuuray madaxweyinihii ugu horreeyay oo ay dadweynaha Masar si dimuqraadi ah kusoo doortaan sannadkii 2013-kii, Maxamed Mursi, kaasoo haatan xiran.

Ugu dambeyn, Al-Sisi oo xukunno adag kusoo rogay taageerayaasha, Maxamed Mursi ee ururka Akhwaanul Muslimiin, iyadoo lagu eedeeyo inuu u dhaqmayo sidii kaligii-taliye oo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya